Qaramada Midoobay oo ka digtay abaaro kusoo fool-leh dalalka Bariga Afrika

0
978

news logo HPNairobi (HargeisaPress) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in dad gaaraya 14-milyan oo ruux oo ku nool bariga Afrika ay u baahan-yihiin gar-gaar cunto oo deg-deg ah, iyadoo arintan sabab looga dhigay roobab yaraan iyo colaado ka jira qaybo kamid ah gobolka.

“Xaaladda aad ayey uga sii daraysaa “ayuu yidhi Matthew Conway oo ah afhayeenka xafiiska xidhiidhinta arimaha binin’aadnimada UN OCHA ee bariga Afrika ,isagoo xusay in ay jiraan qorshayaal looga hortagayo abaarta.

“Waxaa jira meelo ay isaga mid yihiin abaaraha soo wajahan iyo tii sanadkii 2011-ka,” ayuu hadalkiisa ku daray ,waxaana uu tilmaamay in Qaramada Midoobay ay u qoondaysay dhibaatooyinkan gar-gaar oo ay ku baxayso lacag dhan $2.6 billion oo u dhiganto 1.9 euro.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in cunto-yaaran baahsan ay ka jirto wadamada kala ah Koonfurta Suudaan iyo waliba Soomaaliya, iyadoo asbuucan gudihiisa shaqaale gar-gaar loo diri doono caasiamadda Jubba oo colaado sokeeye ay ka jiraan.

“Fara-galin xilli hore la sameeyo waa u muhiim bad-baadinta nolosha maalaayin ruux iyo in laga hortago macluul daran oo gobolka soo food-saarta”ayuu isna yiri Fran Equiza oo kamid ah madaxda hay’adda Oxfam.

Dad lagu qiyaasay 2.7 milyan ruux oo ku nool Itoobiya ayaa u baahan-gar gaar cunto oo ay helaan . halka tiro dhan 1.3 milyan ruux oo u dhashay Kenya ay iyagana u baahanyihiin gar-gaar kaa lamid ah, waxana jira dad iyagana lagu qiyaasay 120,000 oo Djibouti- yaan, kuwaasoo xaaladooda laga dayrinayo.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here