Qadar Oo Somaliland Soo Gaadhsiisay Daawooyin iyo Agab Caafimaad

0
571

 

Hargaysa (HP): Dawladda Qadar ayaa maanta Somaliland soo gaadhsiisay Agab kala duwan, daawooyin iyo qalab ka mida waxyaabaha lagula tacaalayo caabuqa Covid-19.

Caawimadaasi waxaa siday diyaarad milateri oo nooca  xamuulka qaadda ah, taasoo siday mucaawimo ay dawladda Qadar u soo dirtay Somaliland.

Caawimadani ayay dawladda Qadar kaga qayb qaadanaysaa la dagaalanka caabuqa Coronavirus ee aafeeyay wadamo badan oo caalamka ah, oo ay Somaliland-na ka mid tahay.

Waxaana kaalmadani soo gaadhsiiyay Somaliland Xamse Xasan Asad, oo ka mida xafiiska xidhiidhka arrimaha dibadda u qaabilsan dawladda Qadar.

Iyadoo kaalmadaasi uu Somaliland u gudoomay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo guddoomiyaha hay’adda u diyaar garowga iyo kaydka raashinka Faysal Cali Sheekh Maxamed.

Dr. Xergeeye, ayaa uga mahad celiyay dawladda Qadar kaalmadan ay soo gaadhsiisay Somaliland. taasoo uu sheegay in ay wax badan ka tari doonto la dagaalanka caabuqaasi.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here