Qabowga Dhaxanta iyo Xummadda-Darani Waxay Wehel U Yihiin Dadka-Maanka Ka Buka

0
2209

Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland waxaad ku arkaysa Dadka Maanka ka buka, oo dabada galiyay gidaarada iyo dhirta hoosteeda, kuwaas oo aan haysan waxyaabaha nolosha mihiimka u ah sida caafimaadka, daawada, huga iyo cuntada.

Bulshada Somaliland waxa ay hadda la daala dhacayaan xumad daran oo sariiraha jiifisay kumanaan isugu jira caruuriyo ciroole, halka kuwa kalena ay geysay hoygoodii dhabta ahaa.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in xumadu qofka ku ridayso dhiig la’aan iyo tamarta qofka oo hoos u dhacaysa, taasina ay marmarka qaar sababayso dhimasho.

Haddaba sidaasi oo ay tahay qofkasta waxa la tacalaaya qofkiisi oo ama dhakhtar ku haya ama guriga ku baxnaaninaya, balse waxa jira boqolaal Maanka ka Buka oo markoodii horeba nolosha ku dhibba iyada oo xannuunka Maanka yahay xigmad ALLE, haatana ay ugu biirtan xumadda darani, taas oo aanay ciddina war u hayn dhibaatada ay ku hayso.

Qofka Maanka ka Buka ma sheegan karo xannuunka uu qabo, ee uu la ildaran yahay isla markaana uu didaarada hoostooda kala soo jeedo isaga oo aad moodo qori xaabo ah oo qalalay, balse waxa loo baahanyahay laguna eegaya bulshada ay ku dhex nool yihiin siday uga jawaab celiyaan daryeelkooda caafimaad.

Ciddi ma danayso, Ciddi ma taabto, tirikoob laguma hayo, inta u dhimatay xumada ee Maanka ka Buka, balse waxa jira warar sheegaya in qaar ka mida dadka Maanka ka Buka ay u geeriyoodeen xannuunka xummadda, iyada oo ay intaasiba jirto dhibaatooyinkaasi isku biirsadeen ayaa hadda waxa la galay bilihii ugu qabooba sanadka, waxaana xilliyada danbe ee habeenkii soo dhaca qabow aad u daran.

𝗚𝗮𝗯𝗮’𝗴𝗮𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶.

Ujeedka qoraalkaygu waxa uu yahay dadka Maanka ka Buka, ee xumadu heshay ee haddana dhaxantii u soo gashay innaga ayaa la inagu eegaya in aynu wax u qabano ee aynu u gurmano walaalaheeba ILLAAHAY xuskooda ka qaaday ee gidaarada jiifa intaan hadhaga xummad ka hadhka dhaxantu dilin, sidoo kale waxa xarumaha dadka Maanka ka buka ee magaalada Hargeysa iyo guud ahaan gobollada dalka aan ka codsanayaa in ay hoos u eegaan duruufaha qalafsan ee ku gadaaman walaalaheena Maanka ka buka, in ay ururiyaan isla markaana u fidiyaan xannaaneyn iyo daryeel caafimaad, waa intaas oo ILLAAHEY caafimaad ka siiyo, isla markaana aynu shimbir u noqono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here