Somaliland iyo Kenya oo Kor U Qaadaya Xidhiidhkooda Ganacsi

0
1584

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin), ayaa maanta kulan la yeeshay Amb. Benson Mwaliko, oo ah Qunsulka Kenya u fadhiya Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda, ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, halka Qunsulka ay kulankaasi ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan safaarada.

Kululankan, ayaa lagaga wadahadalay sidii kor loogu qaadi lahaa arrimaha ku aadan heshiiska aagga ganacsiga xorta ah iyo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha ganacsi ee u dhexeeya labada waddan.

Heshiiska aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), ayaa ujeedadiisu tahay in la horrumariyo ganacsiga Afrika dhexdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here