Puntland nolol, nabad iyo naruuro lama Jecla reer Sool!

0
2190

Dib u eegista taariikhdu waa waayo-aragnimo laga faa’iidaysto wixii hore kuu soo maray, inaad ka digtoonaato oo aanay mar kale kugu dhicin. Shirwaynaha madax dhaqameedyada, odayaasha iyo aqoonyahannada reer Sool, waxa laga filayaa inuu ka soo baxo go’aan aan reer Sool dhibaato u lahayn, kana badbaadiya hoog iyo halaagii hore shacbiga u soo maray.

Dhibaatada hore waxa ay ku dhacday reer Sool markii (Alle ha u naxariistee) Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo la dagaalamayey gumaysigii Ingiriiska loo adeegsaday diyaarado. Diyaaradahaa oo lagu duqaynayey Taleex oo xarun u ahayd Sayidka.

Dagaalkani reer Sool qaar ka mid ahi wuxuu ku kalifay inay u qaxaan Puntland oo Majeerteeniya loo yaqaanay. Waxyeeladii ka soo gaadhayna waa mid taariikhi ah madax-dhaqameedyaduna ka war hayaan, indheer garadkuna inta danaynaysa shacbigu ogyihiin.

Reer Sool qaybtii kale ee ka hadhay waxa ay u barakaceen degmada Sheekh, halkaasi oo ay ka heleen soo dhawayn, walaaltinimo, degaan iyo degenaan ay u aayeen.

Garaadada, odayaasha iyo indheer garadka shirwaynaha beesha ka qaybgalaya waxa aan filayaa inay habboon tahay dhacdada taariikhiga ah in dhallinyarada ay maanta ku baraarujiyaan, si aayohooda dambe aanay ugu hodmin beerlaxawsiga siyaaasiyiinta Puntland iyo danaystayaasha aan u daynayn beesha.

Taariikhdu waxa ay ina baraysaa in reer Laascaanood in kasta oo ay ka mid ahaayeen taageerayaashii Taliskii kacaanka Siyaad Barre , mar naba umay gaysanin waxyeelo shacbiga walaalohooda ee ay isku dalka yihiin, kana soo horjeeday taliskaasi. Hase ahaatee isla xilligaa waxa la xasuusan yahay in ciidankii DHAFOOR QIIQ loo yiqiin oo u badnaa reer Puntland dhibaatada ay u gaysteen beelaha dhexe ee JamhuuriyaddaSomaliland.

Dib u xorayntii dalka ee SNM iyo qaabka ay u wada dhaqmeen jabhada iyo reer Laascaanood waxa ay ahayd mid walaaltinimo iyo shacbi isku degaan ah oo mustaqbal wadaag ka dhexeeyey, waxaana u daliil ah shirkii Burco ee beelaha Somaliland u dhammayeen 1991, kuna wada dhawaaqeen in Somaliland ay ka wada mid yihiin dalkuna yahay mid xor ah oo madax banaan.

Reer Puntland waxa halkaa ay ku rejo beeleen in Soomaaliya hoggaankeeda mar kale ay gacanta u gasho. Wakhtiga kaliya ee Cabdillaahi Yuusuf madaxwaynaha Soomaaliya ka noqdayna ciidamo shisheeye ayuu u adeegsaday shacbiga Soomaaliya siduu talada ugu haysan lahaa.

Puntland oo ku taamaysay hoggaanka Soomaaliya kuna fashilantay waxay ku xumeen Jamhuuriyadda Somaliland ula baxday magacan Puntland waxaanay kula Talisay dalkay ka mid tahay inay shan gobol loo qaybiyo. In kastoo ay tidhi waa Federal haddana waxay u bilowday qaab dhaqameed khilaafsan federaalnimada iyadoo dal madaxbanaan oo kale isticmaalaysa. Waana waxa dalka Soomaaliya la degi laa yahay muddo soddon sannadood ah.

Reer Laascaanood kama qarsoona in maamulka Puntland dagaalo dhawr ah oo dhul balaadhsi ah gobolka Sool ku soo qaaday. Dad badanina ay naftooda ku waayeen. Hase ahaatee aanay u suuro galin degaanadii uu doonayey inuu gacanta ku dhigo.

Haldoorka reer Laascaanood oo qaab argagixisana loo dilay, ujeedada ka dambaysaa waxay ahayd si aanay ug adeegin horumarka gobolka Sool, isla mar ahaantaana nabadgalyo aanay ugu noolaan reer Laascaanood.

Xornimada, nabada iyo dedaalka horumar ee SOOL waa mid uu la wadaago gobolada kale ee JamhuuriyaddaSomaliland. Waxaana habboon in ka qaybgalayaasha shirwaynaha intii mudada badan dalka ka maqnayd ay degaanada gobolka soo maraan oo ay arkaan horumarka la gaadhay intaanay shirka u fadhiisan.

Xornimada Somaliland lagu haysto waxa tusaale nooga filan sawirada calanka cadowga ee Soomaaliya ee baraha bulshada iyo telefishanada gaarka loo lee yahayba lagu baahinayey oo aan mid qudha wax dhibaato ah loo gaysan.

Waxaana habboon in shirwaynaha uu is waydiiyo haddii calanka Ingiriiska waa gumaysan jiray Maraykanka laga taago magaalada Washinton guryahana calanka lagu qurxiyo waxa ku dhici lahaa dadka fool xumadaa ku dhaqmay.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka dhaxaysaa dhamman beelaha dalka ku nool, waxaana tusaale ahaan noogu filan in xilka madaxwaynenimo ay soo qabteen rag u dhashay gobolada Saaxil, Awdal, Togdheer iyo Maroodijeex. Waxaana ka maqan Gobolka Sool kursiga madaxwaynenimo. Fursad baad u haysatane ha iska luminina.Waanad og tihiin mar ka kaliya ee fursad madaxtinimo ee Puntland u dhawaateen wixii codkii ugu dambeeyey idinka qabsaday

Madaxdhaqameedyadana waxaan leeyahay amaano ayaa shacbigu idin dhiibtay ee samahooda ka taliya.

Faalo: Xuseen Cali Nuur Hargeisa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here