Orodyahanka Oscar Pistorius Oo Lagu Helay Inuu Si Badheedha Ah U Dilay Gabadh Ay Saaxiibbo Ahaayeen + SAWIRRO

0
910

BLOEMFONTEIN, (HargeisaPress) β€” Maxkamad racfaan oo magaalada Bloemfontein ee dalka Koonfur Afrika ku taalla ayaa ku badashay dil ula kac ah go’aankii maxkamadii hore ay ku ridday ciyaaryahanka lugaha la’a ee Oscar Pistorius ee ahaa inuu gabadh ay saaxiibbo ahaayeen si kama ah ku dilay.

Justice Eric Leach pictured as he reads out the Pistorius appeal verdict at the Supreme Court in South Africa
Justice Eric Leach pictured as he reads out the Pistorius appeal verdict at the Supreme Court in South Africa

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Garyaqaan Leach oo ah xaakim sare ayaa dib eegay dacwadda maxkamadeed ee lagu riday orodyahan Oscar Pistorius si xukunka loo xaqiijiyo inuu ahaa mid cadaalad ah iyo in kale. iyadoo xaakimku uu xusay in khaladaad la sameeyay intii ay socotay maxkamaddii hore ee Ciyaaryahan Oscar Pistorius biiahii lasoo dhaafay.

 

Orodyahan Oscar Pistorius, ayaa bishii February Β ee sannadkii 2013-kii toogasho ku dilay saaxiibtiis, Reeva Steenkamp xilli habeen ah, balse dhawr mar ayuu sheegay orodyahanka in dilka saaxiibtiis uusan ahayn mid uu si ula kac u sameeyay,Β  balse uu ugu shakiyay tuug guriga ugu soo dhacayay.

Reeva Steenkamp's mother June is comforted in court as she listens to the ruling convicting Pistorius of murder
Reeva Steenkamp’s mother June is comforted in court as she listens to the ruling convicting Pistorius of murder

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu dambey, Oscar Pistorious oo ah ruux lixaadka la’ oo ku caan baxay tartamada orodka, wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay oo labada lugood l’a oo ka qayb-gala ciyaaraha oradada caalmiga ah, laakiise haatan waxaa haysta fadeexaddii ka dhalatay dilkii uu saaxiibtiis u geystay, taasoo hoos u dhigtay sumcaddii uu ku dhax lahaa bulshada Koonfur Afrika iyo kuwa calaamka intaba.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here