Ololaha Doorashooyinka Somaliland oo maanta si rasmi ah u bilaabmay

0
524

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland maanta si rasmi ah uga bilaabmay Ololaha Doorashooyinka ee loogu diyaar garoobayo doorashooyinka Madaxtinimada iyo asxaabta qaranka.

Ololaha doorashooyinka, ayaa waxaa lagu furay Urur Siyaasadeedka Barwaaqo, waxanay taageerayaasha ururku ay isugu soo baxeen fagaarayaasha loo asteeyay ololaha.

Ururrada cusub oo ka kooban 7 urur, ayaa loo asteeyay inuu urur kastaaba 2 cisho samaysto isu soo baxa doorashada, iyadoona ururka Barwaaqo uu hal maalin kali ahi u hadhay.

Dhinaca kale, saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa iyagana la siiyay mid kiiba saddex cisho, oo uu isu soo bax samaysan doono.

Saddexdan xisbi qaran, ayaa sidoo kale waxaa ay u tartami doonaan doorashada madaxtinimada iyo doorashada ururrada.

Ololaha Doorashooyinka Somaliland, ayaa loo asteeyay in ay socdaan muddo 22 maalmood ah, waxana la soo gabogabeyn doonaa 10 bisha November, iyadoo ay laba cisho kadibna loo dareeri doono doorashooyinka.

Waxaa maanta dalka Somaliland soo gaadhay waraaqihii codbixinta doorashada, iyadoona 17-kii bishan ay dalka soo gaadheen qalabkii iyo koombuyuuteradii lagu hirgelin lahaa nidaamka hubinta codbixiyeyaasha Booyoomitrigga ah ee IRIS BVVS ee lagu gelayo doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyadda iyo ururrada siyaasadda.

Somaliland, ayaa 13 bisha November looga dareeri doonaa doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyadda iyo ururrada siyaasadda, iyadoo ay doorashadani tahay tii igu loolanka adkayd abid ee Somaliland ka dhacda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here