“Nuxurka Qudbad aan ka Jeediyey Madaarka Boorama, oo aan Xayndaab u samayntiisa dhagax dhig ku sameeyay” Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland

0
905

BORAMA, (HargeisaPress) — “Waxaan u malaynayaa shaqadaydii ugu horeeysay waxaan ka bilaabay Boorame, hadaan xidig ku noqon lahaa iyo hadii kaleba, waxa aan uga bilaabayna waxa weeye Boorama maaha Caasimadii Gobolka Awadal oo qudhee, waa Magaalooyinka ugu Waaweyan Jamhuuriyada Somaliland manta, hadaad dadweynaha eegto, oo Dadka manta Degan sida ay u korayso, runtii waa xawli weeye, waana Magaalo u baahan, wax alle wixi Magaaloyinka Waaweyn ee Dunida jiraa ay u baahan yihin, hada waa inta ay Hargaysi u baahan tahay iyo wax la mida mooyaane, marna kama yara waxa ay Boorama u baahan tahay, waxa weeye sida aad ka war haysaan Hargaysa dhulkeedii waa lagu kala hagaagay, shacabka Jamhuuriyada Somaliland ee deegamada halka degani, dhinaca galbeed iyo dhinaca bari ee Masalaha, Dadkii deganaa iyaguna Beerahoodii ay lahayeen iyaguna sidaa ayey u dhiibeen, sababtoo ah waxa weeye danta guud ee Qaranka, iyo Magaalada Hargaysa ayey u dhiibeen.”

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland 54

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Halkan aynu manta ka hadlaynaa waxa weeye, runtii maaha Dhul aynu Dad ka qaadaynee, waa Garoonkii ay waligeedba lahayad ee u qoondaysnaa, weeye oo aad moodo in lagu soo durdurkay, hadaynu doonayno in Boorama korto, oo aynu doonayno in ay noqoto, waxa kastaa dhici kara Madax ayaa ka soo dagi karta, Aduunyada kale in aynu Diyaaradaheeda u furno ayey noqonaysaa, arin caafimaad ayaa dhici karata oo ay noqonaysaa khasab in Diyaarad lagu soo fadhiisiyo, oo la qaado qof wax gaadheen ama Nin ama Gabadh ialahay inaguma keenee, waa in la helaa meeshii ay Diyaaradaasi ku soo Degaysay.”

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland 5

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Diyaaradaha yaryari waxa ugu yare e ay ku soo dagi karaan waxa weeye Garoonada, 150M ayaa ugu yar in aynu balaadhino mooyane, waxaanu samaynaynaa oo aanu manta samaynayanaa, Garoonka inta aanu qaydaynaa waxa weeye 4800 oo Miter, waxaanu ku samaynaynaa 1200 oo kaabadood oo ay u dhiman tahay uun in Siligii lagu wareejiyo kaabadaha, sida Hargaysa oo kale,”

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland 8

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland 2

Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland 67

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here