Madaxweyne Siilaanyo oo kulan Albaabadu u Xidhan yihiin la yeeshay DanjireNicholas Kay + SAWIRRO

0
1201

Nicholas Kay DSC_0124

Hargeysa,(HargeisaPress) — Madaxweynha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay u qaybsamaha Somalia iyo Somaliland Nicholas Kay oo Shalay Hargeysa yimid.

Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Warbaahinta u sharaxay waxyaabaha Madaxweynaha Mr Kay ka wada hadleen ayaa sheegay inay kala hadleen meesha dalku marayo “Waxaanu kala hadalay meesha dalku marayo, waxaanu kala hadalay nabad galyada, wada hadalkii Turkiga ka socday, waxaanu kala hadalay Khaatumo oo aanu u aragno inay rabshad wado, waxaanu kala hadalay Puntland, waxaanu u sharaxnay in Somaliland tahay dad jecel nabada, wada hadalna ku dhamayn karo wax walba.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis

Madaxweyne Siilaanyo Oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Nicholas Kay
Madaxweyne Siilaanyo Oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Nicholas Kay

 Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Dhamaan Qaybaha Qaramada Midoobay ee dalka oo uu madax ka yahay Nicholas Kay, waxa aanu ka codsanay inay nala shaqeeyaan, inay tababaro na siiyaan, inay xagga awooda wax nagala qabtaan, inay wax nagala qabtaan dhinaca Warbaahinta, Sharciga iyo Horumarinta Haweenka. Waxaanu aaminsanahay inay wada hadalo aad iyo aad u fiican ahaayeen, waxaanu go’aansanay inaanu wada shaqayno”

Nicholas Kay ayaa si balaadhan uga mahadceliyay Soo dhawayn iyo qadarin uu sheegay in loo muujiyay intii uu Somaliland joogay. Waxa uu sheegay in Xafiiskiisa UNSOM waxbadan la qaban karo Somaliland gaar ahaana waxyaabaha Somaliland Mudnaanta siinayso.

Nicholas Kay DSC_0048

 “Waxaanu Awoodnaa inaanu Somaliland ka caawino Waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan, inaanu ka jawaabno Baahayaha Somaliland. Ujeedada Qaramada Midoobay waxa weeye inay dadka ku taageerto sidii ay ugu raaxaysan lahaayeen Nolol oo leh Nabad Wanagaasan, Nolol fiican, iyo iyadoo la xaq dhawrayo Xuquuda Aadamaha iyo Xorriyada Shaqsiga ahba”Ayuu yidhi Nicholas Kay.

Inkasta oo hore muran dhinaca Siyaasadda ah u dhex maray Somaliland iyo Nicholas Kay labada dhinac ayaa bookhashadan labada dhinac carrabka ku adkeeyeen in dhinaca arimaha bulshada iyo baniaadanimada ay ka wada shaqaynayaan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here