Nuxurka Kulan Madaxweyne Muuse Biixi La Yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya

0
677

Hargeysa, (HargeisaPress)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador James Swan.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa  diirradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo qaramada midoobay  u dhexeeya iyo dareenka ay Somaliland ka qabto kaalinta ay qaramada midoobay iyo beesha caalamkuba kaga jiraan horumarka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here