“Ninka Qur’aanka Akhriya Lama Yidhaa Reer Hebel Buu Ahaa, Hadaba Ninka Wax Dila Maxaa Loo Odhanayaa Reer Hebel ayaa Wax Dilay”?

0
1061

Hargeysa, (HargeisaPress) —Murrashaxa madaxweynenaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa ku baaqay in aan qabiil iyo reer loo nisbayn dadka sameeya fal-dambiyeedka amma dilalka gaysta, isla markaana sharciga la horgeeyo, laguna qaado ciqaab u dhiganta dambiga ay la yimaaddaan.

 

Mr. Jamaal oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in aann dadka wanaagsan amma qur’aanka sida fiican u akhriya aan loo nisbayn qabiil, balse caado xun laga dhigtay in qofka dambiilaha lagu tilmaamo  reerka amma qabiilkiisa, taasoo uu xusay inay tahay wax aan wanaagsanayn oo hiil u ah dambiilayaasha.

 

“Ninka qur’aanka akhriya lama yidhaa reer hebel ayaa si fiican u akhriyey qur’aankaas, haddaba ninka wax dila maxaa loo odhanayaa reer hebel ayaa wax dilay? Maxaynu magac ugu samaynaynaa ninka xun ee ka midka ah bulshadeenna, illeyn ninka wanaagsan ee qur’aanka akhriyeyba odhan maynno waa reer hebel ee ninka wax dilaya maxaa loo odhanayaa waa reer hebel? Waxa aan leeyahay yaan magac loo samayn ninka xun oo aannu ku gaban reernimo, waxaanna la ogyahay in weligeedba ninka xun ee dilka amma dambi gaystaa uu dabada geliyo qabaa’il iyo reer hebel,” ayuu yidhi.

 

Waxa uu intaas sii raaciyey, “Arrinka (dilalka saraakiisha ciidammada) maaha arrin qabiil, mana ah arrin reer, waana arrin uu gaystay nin dambiile ah, waana in laga daba tago oo la soo qabto cidda ka masuulka ah, sharcigana la horgeeyo, iyadoo la sugayo caddaaladda oo aan lagu xadgudbin dadka kale ee aan wax dambi ah geysan.”

 

Murrashaxa UCID, ayaa sidoo kale dhaliilo u jeediyey xukuumadda KULMIYE, waxaannu yidhi; “Xukuumaddii KULMIYE way la kuftay dawladnimadii loo dhiibay, mana aha in halka aynnu marayno maanta in madaxda qaranka ee KULMIYE inta ay dhex fadhiistaan laba reer yidhaahdaan waannu talinaynaa, iyadoo kiiskani yahay kiis qaran. Yaan la isku qaldin kiisaska qaranka iyo arrimaha dhaqanka ee ka dhexeeya reeraha. Dawladnimada waxa aan u samaynnay in dawladdu baadho, sharcigana la tiigsato cidda ka dambaysay fal-dambiyeedka dhaca mar walba, laakiin maaha in dawladdu dhiirrigeliso in loo wadahadlo hab qabaa’il oo lagu xalliyo arrimihii dhacay, taasina waxay keenaysaa in mar walba ay baxsadaan nimanka dambiileyaasha ah, iyadoo lagu tixgelinayo hab reernimo ama qabiil. Waa in dawladnimadu inoo shaqayso, wayna jiraan kiisas lagu xallin karo hab dhaqan, laakiin kiisaska waaweyn ee qaranka, weliba marka ay yihiin in ciidammada loola badheedho rasaas.”

 

“In badan ayaan ku boorrinnay xukuumadda inay wax ka qabato dilalka tiradoodu gaadhayso ilaa dhawr iyo tobanka ee ka dhacay dalka, waxaas oo kalena waa nabadgelyo-darro. Haddii uu qof kale u quudho inuu la beegsado xabbad nin dirays gashan oo ciidammada qaranka Somaliland ah waxay noqonaysaa meel xun, waxaanan ka filayey xukuumadda inay tallaabo adag ka qaaddo arrinkan si aannu u dhaceen kan u dambeeyey ee maanta dhacay oo kuwii hore u dhacay ayaan ku boorrinnay inay wax ka qabato, ilaa haddana waxba kama qaban oo way gabgablaysanaysaa,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Waxa kaloo uu sheegay in taliyihii la dilay ee Qaybta Booliska Gobolka Saaxil marxuum Casayr uu ahaa sarkaal ka baxay qaranka Somaliland, isla markaana aanay qurux badnayn in laga dhigo qof ka baxay reer amma qabiil, isagoo xusay in cidda reernimo ugu hadlaysa dilka marxuumkaasi yihiin qaar ka duudsiyaya halyeynimadii qaran ee uu lahaa.

 

“Waxa uu ahaa arrin fool xun oo aan u wanaagsanayn nabadgelyada Somaliland iyo waxa ay hiigsanayaan shacabka Somaliland, waxaanan ka xumahay in arrinkaas laftiisii uu keenay xaasaasiyad oo dadkiinna ay adeegsadaan hab qabaa’il markii ay waayeen nidaamkii dawladnimo iyo in xukuumaddu u sugto caddaalad, laakiin haddii ay arki lahaayeen dawladda oo gacan bir ah ku soo qabanaysa waxan oo kale may dhaceen, markaa dadka way ku kelifaysaa inay adeegsadaan hab qabyaaladeed, mana ah in qabyaalad la adeegsado.” Sidoo kale, Mr. Jamaal ayaa ugu baaqay dadwaynaha reer Somaliland inay ilaashadaan nabadgelyadooda iyo xasilloonida ay ku caano-maaleen, waxaannu soo jeediyey in laga fikiro sidii loo daryeeli lahaa qosaska iyo ubadka uu ka baxay Allaah ha u naxariistee marxuum gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed (Casayr), isagoo ku taliyey in laga digtoonaado in falalka noocaas oo kale ah ku soo noqnoqdaan dalka.

 

 

 

Mohamed Aadan Gacayte

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here