Nin Soomaali Ah oo Gabadh Iska Dhigay oo Lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Ankara

0
1158

Ankara (Hargeisa Press)- Nin Soomaali ah oo iska soo dhigay gabadh, si uu ugu dhoofo baasaboor gabadh leedahay ayaa 12-kii bishan lagu qabtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Sabah ee Turkey.

Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Ibrahim M. ayaa lagu qabtay garoonka diyaardaha Esenboğa ee magaalada Ankara, isaga oo kusii jeeda dalka UK.

Ibrahim ayaa watay kaadhka deganaashaha iyo warqadaha safarka (Baasaboorka yar) ee Khadija H.,  markii la qabtay isaga oo doonaya inuu raaco diyaarad u socotay magaalada London.

Waxa uu u labisnaa sida dumarka isaga oo wata goono dheer, kootka gabdhaha iyo khamaar, islamarkaana soo marsaday walxaha dumarku isku qurxiyaan ee (make up).

Ibraahim ayaa sidoo kale u muuqaal eg gabadha lagu magacaabo Khadija ee uu baasaboorkeeda ku safrayey.

Booliska ayaa ka shakiyey Ibrahim markii ay ka yaabeen walxaha la isku qurxiyo ee tirada badan ee uu wejiga soo marsaday.

Saraakiisha booliska ayaa kadib dib ugu laabtay muuqaallada kaamirooyinka garoonka, waxayna heleen Khadija oo baasaboorka ku siineysa Ibrahim gudaha garoonka.

Booliska ayaa kadib ka dalbaday Ibrahim inuu iska qaado khamaarka, iskana maydho walxaha uu soo marsaday ee dumarka kadibna sidaas ayaa lagu ogaaday inuu Nin yahay.

Khadija, oo la sheegay inay tahay saaxiibadii, ayaa iyadana la xidhay iyada oo isku dayeysa inay ka baxsato garoonka,  waxaana labadooda hadda gacanta ku  haya booliska.

https://somalilandpress.net/2020/02/14/somali-man-caught-posing-as-woman-to-go-to-uk/

Hargeisa Press Desk/Ankara Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here