ANAGA,IDINKA,IYO IYAGA Qalinka: Axmed Cismaan Batuun

0
236
Abwaan/Saxafi Axmed Cismaan Batuun

Murankii wuxuu ku baahay mandaqadii oo dhan,dalalka jaarka ayaa bilaabay inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada dalkan ay jaarka yihiin,iyadoo xaaladu murugsantahay oo hoosta ka hurayso ayaa hogaankii talada boobka kula wareegay wuxuu bilaabay inuu dadka ku mashquuliyo dagaalo lagu qaaday dalalka deriska,taasi waxay fursad siisay jabhado xaq u dirir ah oo gudaha ka waday abaabul iyo kicin dadwayne dagaalo noocyo kala duwan ahna ku jiray.

Xaaladu waxay u gudubtay in nidaamkii xukunka sida sharci darrada ah ku qabsaday uu olole ku qaado meelo ka mida walaalihii riyada ku midaysnaa ee labadu gooni si aan ku talogal ahayn wax isugu darsadeen isagoo mararka qaar iska dhigaya inuu xataa iyaga xukumo oo ay yihiin shan walaalo ah oo meel looga wada taliyo.

Tacadiyadii sii badanayay siyaasad xumadii hogaanka,iyo ka maqnaanshihii sadexda kale ee la sheegayay inay la dhasheen oo si gooni ah iyo wadaag dawlado kale midiba meel noloshooda ugu maareeyay ayaa keentay in loo gudbo natiijo inta caqliga badani filanaysay oo ah in labadii doonayay inay wadaagaan dawladnimo intii ka maqnaydna u yeedhaan ay iyagii dib u kala gurtaan oo mid waliba sidii uu isu imaatinkooda ka hor ahaa ku noqdo,laakiin lama rumaysna.

Hadii aynu is dul taagno xaalada maanta ee labada dal ee samaliland iyo somalia,

Is faham la,aani ma jirto,mana jirto dhibaato aan xal lahayn oo labadooda dhextaal waxaase jira in aan laga hadlin xaqiiqda jirta.

Soomaalidu waa (5) sida la sheego hase ahaatee waxaa laga hadlaa oo inta badan isha lagu hayaa (2)

SOMALIA IYO SOMALILAND, ma jiro jawi isu keeni kara shanta soomaaliyeed ee la sheego inay walaalo yihiin xiligan la joogo,sidaasoo kale ma jirto cid dafirsan in labada aynu kor ku xusnay ay la mid yihiin sadexda kale mid kastaana xor u yahay inuu kelidii noolaado, inuu walaaladii wax ku darsado iyo inuu xataa dalalka kale ee dariskiisa la wadaagi karo dawladnino.

Somaliland iyo samalia waxa keliya ee is faham caqli ku dhisan oo keeni kara jawi ay dadkoodu nolol rigli ah oo haboon ku heli karaan labadooda ka dhex abuuri karaa wuxuu yahay in si qoto dheer loo fahmo qodobadan:

1-in soomaliland ay ahayd dawlad gaara oo madax banaan,isla markaana ay lahayd hindisihii midawgii samaliland iyo somalia sidii ay isu geynta u lahaydna u yeelatay dib u noqoshada xaaladu keentay.

2-in somaliland xaq u leedahay inay mar kale u ololayn karto midaw soomaaliyeed oo labadooda dhex mara iyo xataa mid soomaali oo dhan kulmin kara hadii ay rabto,sidoo kalana ay xaq u leedahay inay ahaato dawlad madax banaan sidii ay midawga ka hor u ahayd dawlad gaara.

3-in beesha caalamka,dalalka deriska iyo soomaalida kale, go,aano adag oo saamayn toosa ku leh nolosha kusoo rogaan  siyaasiyiinta iyo madaxda ku abtirsada taliskii macangega ahaa ee abuuray xasaradda ka dhex aloosan labadan dal kuwaasoo geystey dhibaatooyinka taagan imika isla markaana la hor keeno sharciga caalamiga ah oo aan loo ogolaanin inay kusii dhuuntaan buuqa iyo colaadda ay abuureen.

4-in la isla fahmo in talada soomaalidu aanay ka go,in somaliland iyo somalia balse hadii soomaali laga hadlayo noloshooda iyo midnimadooda loo baahanyahay in laga qayb geliyo shanta la sheego ee soomaaliyeed,sidoo kalena sadexda aan ahayn labadani ay qayb ka noqdaan xallinta dhibta ka dhalatay isku darsigii labada dawladood ee walaalaha ay yihiin ee somalia iyo somaliland.

5-ugu danbeyn waxaa muhiima in la isla garto in waxa ku kala maqan somaliland iyo somalia aanay ahayn oo keliya garawshiiyo laga bixiyo gef taariikhaysan kaasoo lagu raadinayo kalsooni luntay,balse waxa ka wayn ee laysku hayaa uu yahay musataqbalka.

Waxaan ku dhiirigelinayaa shacbiga somalia inay siyaasiyiintooda kala hadlaan jihaynta umadooda oo aanay waqti badan gelinin murginta arimaha u dhexeeya iyaga iyo somaliland.

Sidoo kale waxaan shacbiga somaliland ka codsanayaa inay in badan ku maashquulaan sugidda taariikhdooda gaar ahaan lixdankii sano ee u danbeeyay,anigoo siyaasiyiinta somaliland iyagana kula talinaya inay dood kasta oo ku saabsan qadiyada somaliland ciwaan uga dhigaan lasoo (lasoo noqoshada madax banaanida) iyagoo cuskanaya taariikh.

Maqaalkan ciwaankiisu yahay anaga, idinka, iyo iyaga,oo qayb la mida aan qoray sanadkii 2015,kii isla markaana qaybtan 2020 aan qoray ay igu keliftay xaaladaha siyaasadeed ee xiligani ayaan intaas kusoo koobayaa.

Qalinka:Axmed Cismaan Batuun

Fabruary 2020

LEAVE A REPLY