Nicholas Haysom oo noqonaya ergeyga gaar ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya

0
882
UN chief appoints new envoy for Somalia

Hargeysa, (HargeisaPress) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guturres ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Nicholas Haysom in uu noqdo ergeyga gaar ah ee QM u qaabisan Soomaliya isaga oo badali doono ergeygii hore Michael Keating .

Ergeygan cusub Nicholas Haysom ayaa u dhashay dalka Koonfur Africa waxaa la sheegay in uu yahay nin Qarreen ah oo ku taqasusay arrimaha dowlad wanaagga, Dastuurka, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabada, waana tan keentay ayaa la leeyahay in loo soo xusho in uu noqdo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Laakiin magacaabistiisan ayaa imaneysa xili siyaasada Soomaaliya aysan deganeyn oo jiro khilaaf weyn oo ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulada qeybta ka dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan shir ay ku yeesheen Kismaayo kaga dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here