Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa ay dood kulili ka dhex taagantahay Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland iyo Xawaaladaha qaar ee ka hawlgala dalka Somaliland.
Arrinta lagu muransan yahay, ayaa ah lacagha ay shirkadda xawaaladaha dibadda ay dadka lacagaha ugu soo diri jireen adeegga Zaadka oo ay leedahay shirkadda Telesom.
Milkiilaha shirkadda Worldremit Ismaaciil Axmed, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in laga joojiyay inay adeeggaasi isticmaalaan isaga iyo shirkadaha kaleba.
Waxaa uu intaa ku daray in arrintan ay ka dhalatay in kumannaan qoys oo biilasha ku heli jiray xawaaladahan ay heli waayaan.
“Toddobaadkan aynu ku jirno mulkiilayaasha Zaadku waxay xayireen ama joojiyeen in ay la shaqeeyaan xawaaladaha lacagaha ka soo dira dibadda, Adeegyada ay joojiyeen waxa ka mid ah WorldRemit, xayiraaddan waxa ka dhashay in kumannaan qoys biilashu soo gaadhi waayaan” ayuu ku yidhi qoraal u bartiisa facebook soo dhigay.
Milkiilaha Worldremit Ismaaciil Axmed, ayaa farta ku fiiqay in Bangiga Dhexe ee Somaliland uu soo faragaliyay uuna amray Telesom inay Zaadka dib ugu furaan xawaaladaha, balse ayna taasi wali dhicin.
“Bangiga Dhexe, ayaa isaga oo xeerinaya mihiimadda lacagaha xawaaladdu u leeyihiin dhaqaalaha dalka ku amray Telesom inay Zaadka dib ugu furaan xawaaladaha, intaas wixii ka dambeeyana la wada hadlo, amarkaasi weli muu fulin oo adeegyadii weli way xanniban yihiin”
Balse Shirkadda isgaadhsinta Telesom, ayaa iska difaacday eedeytaasi iyaga oo sheegay in ayna jirin wax sharci ah oo ay jabiyeen.
Qoraal ay soo saartay Telesom, ayaa lagu sheegay in ayna jirin shirkado ay heshiis kula jireen oo ay heshiska kaga baxeen.
“Waxaanu halkan ku caddaynaynaa in aanay jirin xawaalad aanu heshiis kula jirnay inay macaamiishooda ZAAD u soo mariyaan xawaaladaha oo aanu ka xidhnay adeeggii, marka laga reebo ciddii hore iskood uga baxday heshiiskii naga dhexeeyay” ayaa lagu yidhi bayaanka Telesom.
Waxaa sidoo kale shirkadu sheegtay in dhammaan shirkadihii ay heshiska kula jireen ayna jirin cid adeegga laga joojiyay.
“Sidoo kale, waxa aannu caddaynaynaa in dhammaan shirkadaha xawaaladaha ee aanu heshiiska kula jirno adeeggu u shaqaynayo” ayaa lagu yidhi bayaanka.
Muxuu yahay adeegga Zaad?
Shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland, ayaa waxa ay leeyihiin adeeg dadka loogu diro lcagta iyada oo la isticmaalayo taleefoonka gacanta.
Shirkadaha xawaaladaha ee dibadaha lacagta ka so dira, ayaa waxa iyaga oo adeegsanaya adeegga Zaad ay dadka teleefoonnadooda gacanta ugu diraan macaamiishooda.
Adeeggan, ayaa ah mid muddo dheer la isticmaalayay waana adeegga ay dadka si sahlan lacagahooda ku heli karaan.
Hore xawaaladaha Soomaalida marka qofka qurbaha lacag looga soo diro waxaa uu ku qasbanaan jiray in uu tago xawaaladda si uu lacagta u soo qaato.
Balse muddooyinkii u dambeeyay iyada oo laga faa’iideysanayo tiknoolajiyadda casriga ah waxaa qofka ay ugu soo dhici kartaa telefoonkiisa gacanta.
Adeegga Zaad, ayaa waxaa iska leh shirkadda Telesom islamarkaana waxaa jira xawaalado heshiis la galay oo lacagaha dibadda laga soo diro u sii mariya adeeggaasi Zaad.
Muxuu yahay xeerarka maaliyadda Somaliland?
Qaar ka mid ah sharci-yaqaannada Somaliland, ayaa ku doodaya in loo baahan yahay shuruuc lagu hago shirkadaha isgaadhsiinta iyo guud ahaan nidaamka maaliyadda Somaliland.
Garyaqaan Guuleed Dafac, ayaa sheegaya in nidaamka maaliyadda ee lagu hago waaxyaha dhaqaalaha Somaliland uu yahay mid gaboobay oo isbaddal u baahan.
Waxaa uu intaa ku daray in nidaamka dhaqaalaha ee ku dhisan tiknoolajiyadda Somaliland uu yahay mid sii kobcaya loona baahan yahay in la helo shuruuc la jaanqaadda.
“Nidaamka tiknoolajiyadda ee casriga ah iyo dhaqaalaha Somaliland waa mid si degdeg ah u sii kobcaya isaga oo la jaanqaadaya hindisayaasha iyo hal-abuurka ganacsi ee aduunyada ka socda oo la xidhiidha gaar ahaan tiknoolajiyada, koriinkaas xawaaraha ku socda si la mid qaanuunka Somaliland kor uguma kacayo” ayuu yidhi Guleed Dafac.
Garyaqaan Guuleed Dafac, ayaa ku doodaya in shuruuc badan oo ah kuwa dhaqaalaha oo ay imika Somaliland isticmaasho ay yihiin kuwa la dajiyay 50 sano ka hor islamarkana ayna la jaanqaadi karin nidaamka maaliyada ee tiknoolajiyada la xidhiidha.
“Matalan qaanuunka dhaqaale ee Somaliland ee lagu maamulo inta badan arrimaha la xidhiidha maaliyada iyo dhaqaalaha waa mid jira 50 sano oo todobaatanaad-kii la sameeyay kaaso oo aan fahmi karin aqoona u lahayn arrimaha muhiimka ah oo ay la mid tahay lacagta mobilka la isugu diro, internet-ka wax lagu kala iibsanayo iyo tartanka ka dhaxeya shirkadaha” ayuu intaa ku daray.
Guuleed Dafac, ayaa dhanka kale xusay in Somaliland looga baahan yahay xeerar qeexaya si shirkadaha kala duwan ay suuqyada ugu tartamaan.
“Xeerkaasi aad iyo aad ayay Somaliland ugu baahan tahay ma aha oo kali ah arrimaha la xidhiidha xawaaladaha iyo lacagta ee waa xeerka saldhigga u ah ee aduunyada badankeed leedahay waana xeerka ka hadla si tartamo cid kasta oo dhaqaalaha wadaagta oo meel ka wada dhaxeysa” ayuu yidhi Guuleed Dafac.