Muxuu Yahay Heshiiska Cusub Ee Ay Kala Saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya?

0
1238

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Dowladdaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxaa ay kala saxeexdeen heshiis ah in ciidanka Booliska Somaliland lagu soo tababaro dalka Itoobiya si la isaga kaashado dhinaca wax wada qabsiga iyo wax is waydaarsiga.

Heshiiskan, ayaa daba-socday safar uu dhawaan ku tegay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), kaasoo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya Komishaneer General Demelashe General Mechiel, sida uu booliisku baahiyay.

Heshiiskan, ayaa waxaa lagu sheegay in ay dhanacyadu gaadheen heshiis ku saabsan tababarada ciidamada Booliska, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cabdi Axmed Tiir iyo Madaxweynaha Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya Mesfin Abeba ayaa kala saxeexday heshiis muhiima oo ku saabsan tababarrada labada ciidan boolis.

Dowladdaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa leh xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah, kaasi oo ku tiirsan dhinaca dhaqaalaha, isu socodka bulshada, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo xidhiidh xoogan oo cilaacaadka siyaasiga ah.

Mana aha markii u horaysay ee Ciidan Somaliland ah lagu soo tababaro dalka Itoobiya balse waa xidhiidh wada shaqayneed oo ka dhexeeya labada dalka, si loo wada sugo amniga mandaqada iyo kan labada dhinacba.

Kulankan waxaa uu bilow u noqon doonaa xidhiidhka amniga ee labada ciidanka oo qayb ka ahaa heshiiskii is fahan ee dhawaan dhexmaray dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

May be an image of 7 people

May be an image of 5 people and text

May be an image of 5 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here