Muxsin Imaaraati ah Oo Raashin Ku Caawiyay Cusbitaalka Guud Ee Burco

0
1952

Burco (HP): Agaasimaha cusbitaalka guud ee magaaladda Burco Dr. Cabdi Suudi Ibraahim, ayaa raashin caawimo ah kala wareegay Jamaal Saleebaan Xaaji Yaasiin, oo wakiil ka ahaa nin soo bixiyay raashinkaasi.

Raashinka caawiamdda ah oo isugu jira Bariis, Sonkor iyo Daqiiq waxaa soo bixiyay qof muxsin ah oo ku nool dalka Imaaraadka Carabta.

Kaasoo loogu tallo galay dadka bukaanka ah ee ku jira cusbitaalka magaaladda Burco, ayaa ka kooban 100 kiish oo daqiiq ah iyo 100 kiish oo sonkor ah iyo Saliid.

Agaasimaha waxaa wareejinta raashinkaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Togdheer iyo taliyaha qayb booliska ee gobolka Togdheer.

 

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here