Muuqaalada soo dhaweynta Madaxweyne Biixi iyo weftigiisa ee Berbera

0
951

Berbera (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo saaka kaga ambo baxay caasimadda Hargeysa, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Berbera oo ku lebbisan calanka Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, islamarkaana oo ay hoggaaminayaan madaxda gobolka iyo degmada, madaxda dhaqanka iyo aqoonyahanka, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hor tegay jihada Galbeed ee magaalada, waxana madaxweynuhu la lugeeyey qaddar daqiiqado ah dadweynihii sida xamaasadda leh usoo dhaweeyey.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinayey, ayaa bulshada reer Berbera ee soo dhaweysay kala hadlay goob fagaare ah oo loo diyaariyey dadka kala hadlay, waxana ay si weyn uga  mahadceliyeen sida xamaasadda iyo ilbaxnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Cali Cabdilaahi (Cali-case), duga degmada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan iyo maareeyaha dekedaha, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha qaranka iyo weftigiisa, waxana ay bulshada reer Berbera uga mahad celiyeen soo dhaweynta xamaasadda iyo kalgacaylku ku dheehan yahay ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen.

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh oo kamid ah madaxda dhaqanka oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana uu caddeeyey in guud ahaanba bulshada ku dhaqan gobolka Saaxil, ayaa sannadkan codkooda oo isku duuban siin doonaan madaxweyne Muuse Biixi oo mar kale u sharraxan jagada madaxweynenimada qaranka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali shire, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftiga uu gadhwadeenka u yahay, waxana uu hoosta ka xarriiqay in soo dhaweynta bulshada Berbera caddayn u tahay taageerada madaxweynuhu shacabka ku dhex leeyahay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay bulshada reer Berbera, ayaa si kal iyo laab ah uga mahad celiyey soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn ee lagu qaabilay, waxana uu ku sifeeyey mid ay weligoodba caan ku ahaayeen shacabka reer Saaxil.

“Horumarka kala duwan ee iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Berbera ka hirgalay waxa ay ku yimaaddeen aqoonta, dad la dhaqan iyo soo dhaweynta reer Berbera.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here