Muuqaal: Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Wakiilada Oo Soo Bandhigay Warbixin Iftiiminaysa Heerka Musuqmaasuqa Wasaaraddaha Dalka + Wasiiro Ka Dareen Celiyay

0
968

HARGEISA, (HargeisaPress) — Guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa ee golaha wakiillada Somaliland ayaa munaasibad lagu qabtay Hotel Maansoor ee Hargeysa waxay ku soo bandhigeen warbixin ku saabsan heerka maamul daadajinta hay’addaha dawladda iyo shaqooyinka iyo lacagta miisaaniyadda wasaaraddaha ugu jirta gobolada iyo degmooyinku siday u fulaan.

DSC02127-1024x683

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddidu waxa ay sheegtay gabi ahaan ba inaanay goboladda Dalka ka jirin wax maamul daadajin ah, isla markaana ay soo arkeen isuduwayaal ay isuduwayaal ay isku darajo yihiin iyo badhasaabo is xukumaya taasoo ay ku tilmaameen mid daaha ka faydaysa maamul la’aanta ka jirta goboladda.

DSC02138-1024x683

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddidu waxa kale oo ay sheegeen in shaqaala badan oo goboladda joogaa aanay lahayn xafiisyo ay ku shaqeeyaan, mushaharkuna uu gaadho sadex biloodkiiba mar, halka qaarkood ay Hargeysa usoo doontaan oo uu ka badan yahay Noolka ay soo isticmaalaan.

DSC02118-1024x683

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddida Daba-galku Hantida Qaranku waxay sheegeen in Dawladnimaddii Somaliland kusoo ururtay caasimadda oo kali ah, isla markaana waxa ay sheegeen in Gobolka Maroodi-jeex qaybo ka mid ahi goboladda kale kala siman yihiin dhaqaale la’aanta iyo maamul daadajin la’aanta ku habsatay Hay’adda Dawladda.

Guddidu waxa ay sheegeen inay Kormeerkooda ku soo arkeen afar wasaaradood oo kali ahi inay goboladda ka shaqeeyaa, kuwaasoo kala ah wasaaradaha Maaliyadda, Waxbarashada, Deegaanka iyo Beeraha, oo ay sheegeen in ay shaqaale iyo xarumo ku leeyihiin goboladda ay soo mareen.

 

Guddida Daba-galka iyo Ilaalinta Hantidda Qaranku waxa ay ku tilmaameen sadexda wasaaradood ee ugu liita dalku inay kala yihiin Wasaaradaha Warfaafinta, Boosaha iyo Macdanta iyo Tamarta.

 

Guddidu waxay kulanka ku soo bandhigeen Filim ay ka soo duubeen masuuliyiinta Xukuumadda u jooga Goboladda Dalka, kuwaas oo cabasho weyn ka muujiyey duruufaha ay ku shaqeeyaan oo naxdin ku abuurtay dadkii kulanka ka soo xaadiray oo u badnaa Wasiiradda wasaaradaha Xukuumadda iyo hay’adaha Dawliga ah ee ay dhaliishu ku socotay.

Guddoomiyaha Guddida Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama)
Guddoomiyaha Guddida Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Warbixinta Guddida ayaa ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee ay soo diyaariyaan guddi hoosaad ka mid ah golaha Wakiiladda, wallow ay xildhibaanada Guddidaas ku jiraa isku raaceen inay wasaaradda maaliyaddu kormeerkoodan suurtogalisay.

 

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse, oo warbixintaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaanay qiimayntoodu ahayn mid lagu eegi karo maamul daadajin balse lagu eegi karo inay shaqadooda qabtaan. Wuxuu ku dooday inay shaqadooda si fiican u qabsadaan, isagoo u muuqda inuu meesha ka saarayo in wasaaraddu ka shaqayso gobollada.

DSC02123-1024x683

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Wasaaradda warfaafinta, wacyigalinta iyo dhaqanka xarunteedu waa Hargeysa. Qofka doonaya inuu qiimeeyaana waa inuu marka hore akhriyaa waajibaadka iyo xilka wasaaradda warfaafinta oo gartaa. Wasaaradda warfaafinta waxa xilkeeda ugu muhiimsani yahay( Idaacadda, Tv-ga, Wargeyska iyo Websites-ka) inay muwaadin kasta oo reer Somaliland ah warka ku gaadhsiin karto maqal iyo muuqaal iyo akhris. Maaha anaga arrintayadu gobol ma aha degmo ee muwaadinka gurigiisa iyo halka uu fadhiyo waa inaanu ku gaadhsiinno hadduu gudaha jooga iyo hadduu dibadda joogaba, markaa anaga nalaguma qiimeeyo gobol iyo Degmo,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here