Hargeysa: Xisbiga WADDANI Oo Maanta Xaflad Balaadhan Ku Soo Bandhigay Barnaamij Siyaasadeedkiisa + SAWIRRO

0
760

HARGEISA, (HargeisaPress) — Xaflad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana lagu soo bandhigaayo barnaamij siyaasadeedka uu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku geli doono doorashoyinka la filaayo in ay dalka ka qabsoomaan horraanta 2017ka, ayaa hadda si rasmi ah uga furantay hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa.

 

12308739_1064058430285019_7908767831492439182_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaana ka soo qeyb-galay guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland  ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), hoggaanada xisbiga, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, xildhibbaano, mas’uuliyiinta iyo ardayda jaamacadaha dalka, madax-dhaqameed, wax-garad, aqoonyahan, culimaa-awdiin, ganacsato, iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan.

11986430_1064058400285022_8304971567615088905_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, oo ugu horeyn furay munaasibaddii shirka, ayaa si sheegay in barnaamijkan uu soo bandhigaayo xisbiga WADDANI aanu ahayn mid ka yimi fikir gaara oo cid kali ahi iska leedahay, waxaana uu tilmaamay in laga soo uruuriyey garaadka iyo afkaarta kala duwan ee dhammaanba qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in barnaamijkani uu guud ahaan dalka u horseedi doono horumar, caddaalad, sinnaan iyo in ay Somaliland bulshada caalamka ka hesho ictiraaf buuxa.

12308387_1064058496951679_1768400942523847964_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Barnaamijkani maaha feker qof keliya, waa isu-geynta garaadkeenna iyo afkaarteenna, cidii aan u hore uga dhiiban fekerkooda gacmo furan baan lagu soo dhaweeynayaa ka qayb qaadashadooda, waana u furan tahay dhamaan xubnaha iyo taageerayasha xisbiga iyo shacbi weynaha reer Somaliland, waa badeecad aan wada leenahay.”.Ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

12278796_1064058486951680_719924342724514849_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxaa kale oo uu tilmaamay in barnaamijka xisbiga WADDANI uu ku salaysan yahya mabaadiida guud ee dhaqanka Somaliland iyo sida oo kale illaalinta diinta Islaamka, waxaana uu yidhi:“Barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI  waxa uu ku saleysan yahay mabaadiida  Guud ee xisbigu ku dhisan yahay oo  u badbaadinta shacbigiisa  hantidiisa ugu qaalisan oo ah dhaqankiisa wanaagsan iyo diintiisa Islaamka . Waxa uu u dhisayaa qaran iyo shacbi mideysan oo ka fayow qabyaalad iyo qayb sooc. Barnaamijku wuxuu dalka ku hogaamin doonaa cadaalad, horumar iyo ictiraaf.”.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here