Musharaxiinta Isbahaystay Oo Qaadacay Guddida Madaxweynuhu U Magacaabay Khilaafka Kulmiye, Sheegayna Inaanay Shirka Tagayn Haddaan Wax Laga Bedelin + SAWIRRO

0
1024

Hargeysa, (HargeisaPress) —Munaasibad balaadhan oo ay leeyihiin musharaxiinta isbahaystay ee Kulmiye ayaa ka bilaamaysa hotelka Crown ee magaalada Hargeysa. Munaasibadda oo  ah mid qado sharaf ah ayaa lagu sharxay boodhadh muujinaya ujeedka munaasibadda oo lagu durayo madaxtooyada iyo hogaanka Kulmiye.

Musharaxiinta qado sharaftan leh ayaa kala ah musharax Cabdicasiis Samaale, Musharax xildhibaan Kijaandhe iyo musharax Maxamed Biixi Yoonis, kuwaasi oo u ordaya musharaxnimada madaxtinimo ee xisbiga Kulmiye. Waxaa madasha ku sugan wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee iscasilay.

isbaa

Wasiirkii maaliyadda ee xukumadda Siilaanyo Cabdicasiis Samaale, ayaa sheegay inaanay aqbalayn guddida madaxweynuhu magacaabay, maadaama ay ku magacaaban yihiin digreeto madaxweyne. Waxa uu sheegay inay yeeli lahaayeen guddidaasi haddii uu soo magacaabi lahaa madaxweyne xigeennadii Somaliland Cabdiraxmaan Awcali iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ama cid la mid ah oo madax banaan.

isb

“Ragga musharaxiinta ah waxaa laga qaadaa Lacag, ilaa hadda ragayaga musharaxiinta ah ilaa hadda nalama waydiin lacag, waayo waxaa la diidan yahay musharaxnimadayada. Haddii shirka sida 10-ka bisha loogu qoondeeyay laga bedeli waayo horta intayadaas midna ma tagayo ee ogaada. Siday hadda ku socoto, hadday tahay afduubkaas anagu tagi mayno. Haddaanu tagi wayno waxa dhacaya ayaan idiin sheegayaa, saddex xubnood oo gole ka fuul ah ayaa la keeni doonaa oo bedela saddexdayadan si tartanka loo qurxiyo ee bal taas meel ku sii qorta, waayo ragga tartanku dhab ka yahay marka la diido waan in wax u eeg tartan uun la sameeyo,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

isbay

“ Maanta waxay taagan tahay musharaxii madaxweyne iyo madaxweyne xigeen yaan lagu tartamin oo aan sare loo qaadayne si hoose loo leeyahay. Malaha waxa qurux badnaan lahayd in madaxweynuhu musharaxiinta u yeedho uu yidhaa shalayba Muuse in guddoomiyenimada lagula tartamo waan u diidaye maantana musharaxnimada yaan lagula tartamin. Dhibkan iyo buuqanba ma dhaceen. Ololaha intaas oo sanno socday xoog iyo xoolo laguma waayeen. Waa xaqiiqo  aanu imika arkayno oo hawsha ay wadaan  madaxweynaha, madaxweyne xigeenka iyo xukumaddu waa yaan lagu tartamin xisbiga oo aanu u aragno inay xisbiga waxyeelayso, dawladda wax yeelayso oo ay waxyeelayso doorashooyinka,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

 

Munaasibada ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxweyne Siilaanyo xalay khilaafka Kulmiye u magacaabay guddi ka madax banaan labada dhinac ee isku haya Kulmiye.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

 hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here