Muran Weyn Oo Ka Taagan Sidii Hawl-Galka Nabad-Ilaalinta Qaramada Midoobay Loogu Kordhin Lahaa Sharciyo Cusub

0
942

Nariobi, (HargeisaPress) —Hawlgalka Nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa la isku khilaafay, kaddib markii dowladaha Ruushka, Senegal iyo Masar ay diideen in qorshe guryahooda loogu celiayo ciidamada nabad-ilaaliyayaasha Qaramada Midoobay ka tirsan haddii lagu helo eedo ku saabsan tacadiyo dhanka Galmada ah.

 

Dalalkaan Saddexda ah ayaa sheegay in tani ay noqon doonto ciqaab aan kala sooc lahayn, iyagoo ku Taliyay in qorshahan ay ka wanaagsan tahay in laga qaado tallaabo adag askarta gala dambiyada.

 

Sidoo kale, Xukuumadda Mareykanka ayaa diyaarinaysa qaraar ku aaddan in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo lagu soo af-jarayo tacadiyada Galmo ee ay geystaan ciidamada nabad-ilaaliyayaasha ah, gaar ahaan tacadiyada ka dhanka ah Carruurta.

 

Operation unified Response

Qaraarkan, ayaa waxaa si xooggan u taageeray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, isagoo sheegay inuu yahay mid wax weyn ka tari kara sidii loo joojin lahaa tacdiyada lagula kaco shacabka, gaar ahaan Haweenka.

 

Dhanka kale, Ban Ki-Moon ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqay inay qaadaan tallaabo geesimo ah, si wax looga qabto dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamada Qaramada Midoobay.

 

Ugu dambeyn, Tallaabadan la doonayo in lagu Xakameeyo Nabad-ilaaliyeyaasha Qaramada Midoobay ee dambiyada geysanaya ayaa waxay imaanaysaa iyadoo lagu eedeeyay dhawaan ciidamada QM ee dalka Bartamaha Afrika ay dambiyo galmo ku kaceen.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here