GABILEY , (HargeisaPress) โMunaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maalinimadii khamiista xadhiga lagaga jaray dhisme cusub oo casri ah oo shirkadda Telesom ka hirgalisay magaalo madaxda gobolka Gabiley, dhismaha oo loogu talo-galay inuu noqdo xarunta shirkadda ee gobolka Gabiley.
Xafladdii xadhig-ka-jarka waxaa ka soo qayb-galay Badhasaabka, maayarka, xildhibaanadda gobolka Gabiley, Salaadin, Qurbo-joog, Ganacsato, culimo-awdiin, maamulka iyo masuuliyiinta shirkadda Telesom. Munaasibadan oo ka qabsoontay hoolka shirarka ee dhismahan cusub.
Dhismahan cusub ee shirkadda Telesom ka dhistay gobolka Gabiley waxaa uu kooban yahay laba dabaq waxaana si rasmi ah xadhiga uga jaray badhasaabka gobolka Gabiley Md. Xamse Maxamed.
Munaasibada xadhig-ka-jar ka dib waxaa ka hadlay madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sharaxaad ka bixiyey kaalinta dhismahan cusub ku leeyahay horumarka ka socda gobolka Gabiley iyo qiimaha uu ugu fadhiyo magaaladda iyo shirkaddaba, waxaanu yidhi, โRuntii dhismahi sharaf weyn buu u yahay shirkadda Telesom ama Telesom Group, runtii taasi waxay ka turjumaysaa qiimaha iyo ixtiraamka guud ee aanu u hayno gobolka Gabiley. Marka la eego golaha deegaanku dadaalka ay ku jiraan iyo gudoomiyaha gobolku oo ah in bilicda magaaladda la kordhiyo, dhismayaal casriyana lagu soo kordhiyo. Runtii shirkadda Telesom iyo maamulka guud waxaa la isla arkay in dhisme wanaagsan laga sameeyo oo manfac badan u leh dalka iyo gobolkan guud ahaanbaโ, sidaasi waxaa yidhi Maxamed Darbo.
Maxamed Cabdi ayaa intaasi ku daray, โDhismahan wuxuu kor u qaadayaa u adeegidda bulshadda iyo macaamiisha, isagoo ay bulshadda gobolkani ka heli doonaan shaqo abuur fara badan. Adeegyadda cusub ee dhismahan lagu daahfuri doona waxaa ka mid ah adeegyadda Daarasalaam Banka oo bulshadda gobolkan ku nooli ay baahi weyn u qabto, isagoo macaamiishu ay ka heli doonaan adeegyadda maal-galinta ee loo yaqaano Macro iyo Micro-finance oo bulshadda dhaqaalahoodu hooseeyo uu kor u qaadi doonoโ.
Waxaa isaguna ka hadlay maamulaha Telesom Gabiley Md. Maxamed Muumin waxaanu sheegay in dhismahani uu ka caawin doono xarunta shirkadda ee Gabiley in bulshadda loogu adeego si hufnaan ah, waxaa kale oo tibaaxay in dhismahan cusub uu saamixi doono in la soo kordhiyo adeegyo cusub.
Maayarka Gobolka Gabiley Maxamed-amiin oo ka hadlay munaasibadan xadhig-ka-jarka xarunta Telesom ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay ka maamul ahaan ka soo qayb-galaan xafladda furitaanka waxaanu yidhi, โFarxad wayn bay noo tahay inaan ka soo qayb galno xaflada furitaanka dhismahan cusub ee shirkada Telesom ku soo kordhisay Magaalada Gabiley, ilaahay baynu u waydiinaynaa xaruntan iyo wixi loogu tallo galay inay u suuro geliyoโ.
Xafladan furitaanka dhismaha xarunta Telesom Gabiley waxaa iyaguna hadallo kooban ka soo jeediyey Gacanasato, Culimo-awdiin, xildhibaano, xubno qurbo-joota gobolka ka mida iyo macmiilo kala duwan waxaanay shirkadda Telesom ku amaaneen dhismahan cusub ee ay gobolka ku soo kordhisay iyo adeegyadda casriga ah ee ay gobolka ka haqab tirtay. Waxaanay shirkadda ku guubaabiyeen inay sii waddo dadaalka ay ugu jirto inay bulshadeeda u keento adeegyo casriya oo noloshooda wax weyn ku soo kordhiya.
Xafladan waxaa soo xidhay badhasaabka Gobolka Gabiley Md. Xamse Maxamed waxaanu shirkadda Telesom ku hambalyeeyey kaalinta muuqata ay horumarka gobolka kaga jirto, hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa, โHalkan waxaynu maanta ugu dabaal-dagaynaa xarunta cusub ee shirkadda Telesom ay inooga dhistay magaaladda Gabiley, xaruntan oo ka degmo ahaan iyo ka gobol ahaanba qiimo weyn inoogu fadhida, sababtuna ay tahay marka kowaad bilicda magaaladeena. Waxay kaloo faaโiido inoogu leedahay mar hadday shirkaddu balaadhato shaqaduna way balaadhataaโ.
Dhismahan cusub ee shirkadda Telesom ka hirgalisay gobolka Gabiley ayaa ka mid noqonaya dhismayaasha waaweyn ee shirkaddu ku leedahay goboladda dalka. Dhismayaasha oo loo qaato shaqaale badan oo ka soo jeeda goboladda ay shirkaddu ku leedahay xarumaheeda waxaanay taasi saamayn toosa ku yeelata horumarka gobolka, waxay bulshadda deeganka ay xarumuhu ku leedahay shirkaddu ka faaโiidaan adeegyo hufan oo daboola baahidooda isgaadhsiineed iyo maaliyadeedba.
HargeisaPress News Desk โ Hargeysa
hargeisapress@gmail.com