Munaasibad lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo lagu qabtay Turkiga

0
1449

Istanbul (Hargeisa Press)- Munaasibad balaadhan oo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee loo doortay ee Somaliland iyo ku xigeenkiisa, ayaa lagu qabtay xalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Jaaliyadda iyo Ardayda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Turkiga iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee dalka Turkiga Haashimi Almahdi.

Jaaliyaddaha iyo Ardayda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxaa ay Madaxweynaha cusub ee la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo ku xigeenkiisa Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi, ku boggaadiyeen xilka loo doortau, iyagoona u rajeeyay in xilka ale ku asturo.

Waxaa aanay dhamaantood ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in xukuumadda cusub ee xisbiga Waddani ee uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cirro.

Jaaliyadda iyo Ardayda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxaa ay Madaxweynaha la doortay iyo ku-xigeenkiisa ay u soo jeediyeen inay isbedel taabo gala oo waxku ool ah ay dalka ka hirgeliyaan, isla-markaana ay dadka iyo dalkaba ay wax u qabtaan.

Shiine Cilmi Kaahin – HargeisaPress iyo Telefishanka Qaranka Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here