Ceerigaabo (Hargeisa Press) โ Geed noociisu ka sii dabar goโayo guud ahaan Geeska Afrika iyo geyiga Soomaalida ba, oo ku yaalla Buurta Daallo ee gobolka Sanaag, ayaa waxa shalay jaray askar ka tirsan ciidankaย Somaliland.
Waxa goynta geedka loo aaneeyey halis uu ku noqday dhalinyarada u dalxiis tagta buurtaas oo u badheedha halista si ay isugu soo sawiraan.
Hadaba ma jirtay si kale loo badbaadin lahaa geedkaa bilicda iyo faaโiidada ba u lahaa deegaankaas? Maxaase u gaar ah ee dadku uga damqadeen in geedkaa la gooyo?
โFaaโidooyinkiisa waxaa ka mid ah, wuxuu leeyahay xabag, xabagtaas oo dawo ahaan loo isticmaalo, xabagtiisuna ay aad iyo aad qaali u tahay oo dawada loo isticmaalo, midhhiisa waa la cunaa..โ ayuu sheegay Axmed Ibraahin Cawaale oo ah cilmi-baadhe ku takhasusay deegaanka oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxaanu intaa ku daray โGeedkani waa dhirta khatarta la geliyey dhulka Soomaalida, Masar wuu ka sii dhamaanayaa, Suudaan, Eriteria, Itoobiya. Markaa Geedkan goyntiisu arrin aad u fool-xun bay ahayd.โ
Axmed Ibraahim Cawaale waxa kale oo uu sheegay inay Geedkaa Shalay Gooyeen Askar ah kuwa Hayโadaha ilaaliya oo iyagu is-diray.