Ganacsade Soomaali Ah oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

0
965

Darban (Hargeisa Press) – Rag hubeysan oo loo badinayo inay yihiin budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxay dileen muwaadin Soomaali ah oo ganacsi ku haystay magaalada Darban oo ku taalla Gobolka xeebta leh ee KwaZulu-natal.

Ganacsadaha ayaa waxaa  lagu magacaabi jiray Faarax weyd. Waxa uuna kamid ahaa dhalinyarada ganacsiga wanaagsan ku haystay magaaladaas.

“Waxaan sameynay dadaal aan ugu gurmaneyno, markii aan ka war helnay in Goobta ganacsi ee Faarax la weeraray, tuugadii waan ka raacdeynay, laakiin nasiib xumo way toogteen” ayuu yidhi mid kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee goobta gaadhay.

Ciidamada ammaanka Booliska ee Darban ayaa waxay soo gaadheen halka ay dhibaatadu ka dhacday, iyagoo billaabay baadhitaan.

Dhalinyaro  badan oo Soomaali ah ayaa ku dhintay waddankaas sanadihii ugu dembeeyay, dhammaanna waxay ku baxeen gacanta kooxo hubeysan oo dhacayay ganacsigooda.

Waxaana aad u yar kiisaska dilalkaas ee cadaaladda helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here