Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay In Wax Ka Badal Iyo Kaabis Lagu Sameeyo Xeerka Doorashooyinka Dalka

0
986

Hargeysa, (HargeisaPress) —Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta kalfadhi ay iskugu yimaadeen waxay cod gacan taaga ku ansixyay xeerkii uu dhawaan madaxwaynaha Somaliland usoo gudbiyay golaha eek u saabsanaa in wax ka basdal iyo kaabis lagu sameeyo xeerka doorashooyinka dalka .

 

Waxaana kalfadhigan oo ay kasoo xadiireen 59 xildhibana gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo labada gudoomiye ku xigeen ee golaha wakiilada Somaliland.

 

Waxaana ugu horeynba furitaanka kalfadhigan ay xildhibaanadu kaga doodayeen ansixinta wax kabada iyo kaabista lagu samayntayo xeerkan doorashooyinka dalka ka hadlay gudoomiye Cabdiraxmaan cirro isaga oo xildibaanada ku baraarujiyay inay aragtiyadooda ka dhiibtaan ansixinta xeerkan.

 

Dhanka kale waxa isna halkaasi ka hadla xoghayaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdirasaaq siciid ayaanle oo isna mudanayasha hortooda ka akhiryay waxa uu ku saabsan yahay xeerka laga doodayo waxanaa uu sidoo kalena xildhibaaada ugu baaqay in la ansixiyo xeerkan.

 

Intaasi kadiba waxay mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland guda galeen ka doodida wax kabadalka iyo kaabista lagu samaynayo xeerka doorashooyinka dalka, waxanaa in wax kabada iyo kaabis lagu sameeyo xeerkan ansixiyay oo u codeeyey 55 mudane halka 3 mudane ay diideen gudoomiyuhuna muu codayn, waxaana sidaa ku ansaxay in wax kabadal iyo kaabis lagu sameeyo xeerka doorashooyinka dalka.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here