Hargeysa (Hargeisa Press)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay ansixiyay miisaanniyad sannadeedka muddo dhaafka ah ee sannadka 2024-ka, taas oo Golaha hor taallay muddooyinkii u dambeeyay.
Golaha oo ay ka soo xaadireen 58 Xildhibaan waxa codeeyay 35, waxaa ka aamusay 9 mudane, waxana diiday 14 xildhibaan.
Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa hore waxka bedel ugu sameeyay odorooska miisaaniyadda ee ay soo gudbisay Xukuumaddu, iyadoona madaxweyne Biixi uu dib ugu soo celiyay golaha, isagoo amray in lagu sii dhaqmo miisaaniyaddii hore ee sannadkii 2023-kii.
Ansixinta miisaaniyadda, ayaa dib uga dhacday xilliga caadiga ah oo ay ahayd dhammaadka bishii Diseembar, iyada oo sidoo kale sanadkan hoos ugu dhacday shan boqolkiiba, iyada oo ay gaadhayso miisaaniyadda sanadkan 3,432,316,337,448
Lacagtaas, ayaa isugu jirta deeqo laga helayo dibedda oo ay bixinayaan hay’addo caalami ah, iyo dakhliga gudaha ee ay ururiso Somaliland.
Miisaaniyadan, ayaa ah dhaqaalaha ay ku howlgeli doonaan hay’adda dowladda, sida xafiisyada madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka, Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kale ee qaran.
Halkee ayay ka imanaysaa lacagta ugu badan ee miisaaniyaddu?
Lacagta miisaaniyadda Somaliland waxay isugu jirtaa deeqo iyo mashaariic ka imanaysa hay’addaha caalamiga ah iyo dakhliga gudaha ee ay dowladdu aruuriso.
Baanka Adduunka oo keliya, ayaa waxa uu ka fulinayaa Somaliland mashaariic waa weyn oo ku kacaya $14,402,350,20 oo dollar oo qeyb ka ah miisaaniyadda guud.
Lacag kale oo dhan Sadex Milyan iyo Shan boqol oo kun oo dollar ($3,500,000.00) waxa uu Baanka Adduunka ku bixin doonaa horumarinta Maamulka khayraadka guud ee Somaliland.
Lacagtaas waxay si gaar ugu baxaysaa mashruuca Abaartire oo loogu talo galay la tacaalida xaalada abaaraha.
$ 1,666,030 Una dhiganta 11,662,210,000 Shl, mashruucan ayaana sida miisaaniyadda ku xusan diiradda saari doona horumarinta kaabayaasha biyaha iyo sidoo kale kobcinta aqoonta iyo xirfada biyaha dhulka hoostiisa mara.
Lacagta ugu badan halkee ayay ku baxaysaa?
Miisaaniyadda guud ee Somaliland, ayaa 40.65% loo qoondeeyay arrimaha amaanka oo kala badh miisaaniyadda Somaliland noqonaya. Lacagtaas oo dhan 1,029,187,493,371 SLSH. Qoondadan ayaa 11.57% ka badan miisaaniyadda sanadkii hore ee Somaliland.
Difaaca Somaliland, xoojinta ciidamada Somaliland iyo difaaca ayayna miisaaniyaddu ku bixi doontaa.
Kharashka labaad ee miisaanidda Somaliland 19.60% oo u dhiganta 496,137,740,902 SLSH waxuu ka baxayaa dowladda oo lagu sheegay in diiradda lagu saari doono aqoonsi u raadinta Somaliland, qabashada doorashooyinka, sharci dajinta iyo maamul daadajinta.
Qoondada waxbarashada, ayaa isna noqonaya 7.12% miisaaniyadda guud ee Somaliland, taas oo u dhiganta 180,369,649,431 Shilinka Somaliland.
Horumarinta iskuulada farsamada gacanta, dhammaystirka dhismayaasha jaamacadaha iyo joogteynta adeegyada waxbarashada dugsiyada ayayna miisaaniyaddani muhiimad siinaysaa.
Caafimaadka, ayaa qoondo 5.18% ka noqonaya miisaaniyadda guud ee Somaliland una dhiganta a 131,085,403,428 Shilinka Somaliland ah.
Wasaaradahee lacagta ugu badan helay?
Wasaaradda Gaashindhigga oo difaacuna ku jiro ayay ku baxaysaa miisaaniyad dhan 461,328,478,557 SLSH oo guud ahaan ka noqonaysa miisaaniyadda 18.22%.
Wasaaradda horumarinta Maaliyadda ayay tahay qoondada miisaaniyadeedu 320,007,202,456 SLSH oo marka qoondada miisaaniyadii 2023 la eego wax ka dhimis 26.99% ah lagu sameeyay.
Wasaaradda Jidadka iyo Horumarinta Waddooyinka, ayaa qoondada miisaaniyadda ka heshay lacagta ugu badan, iyada oo noqonaysa wasaaradda saddexaad ee ugu miisaaniyadda badan.
Waxay miisaaniyadeedu tahay 38,887,003,455 SLSH taas oo miisaaniyadda guud ee Somaliland ka ah 1.54% hoos na uga dhacday qoondada sanadkii hore 23.96%.
Miisaaniyadda ku baxaysa dowladaha hoose ee qoondada sanadka 2024 ee Somaliland ayaa 7% hoos u dhacay sanadkan marka la barbardhigo sanadkii hore ee 2023-kii.
Magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Boorama iyo Burco oo ah derajada “A” ee dowlada Hoose ayaa lagu daray miisaaniyadda, sida caadiga ah, iyaga oo heli doona qoondadooda.