Madaxweyne Biixi: “Jabhada Jabuuti kasoo dhex-hadlaysa, wixii ka dhasha waynu arki”

0
2709

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu si adag uga hadlay jabhado maalmihii u dambeeyay isku uruursanayay gudaha Jabuuti, kuwaasi oo ka dhan ah Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkan ka sheegay mar uu galabta xadhiga ka jarayay hoyga taariikhda qaranka, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay jabhadaasi Jabuuti isku urursanaysa.

Waxaa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in jabhad sheeganaysa in ay xoraynayaan gobolo Somaliland ka mid ah ay Jabuuti hoy u noqoto.

Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu sheegay in muxaafad iyo mucaaradba ay ka midaysanyihiin difaacista Somaliland, isla markaana nin kii ka baxa ee mabda kale la yimaadaa uu yahay qof cadowga la soo saftay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaca kale sheegay in hadii ay Jabuuti talo ka noqotay inay abaabusho jabhado ka dhana Somaliland ay wixii ka dhasha arki doonnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here