Midowga Musharaxiinta Mucaaridka Soomaaliya oo Walaac Ka Muujiyey Xaalada Ciidamadii Tobabarka Loogu Qaaday Eritrea

0
904
Midowga Musharaxiinta Mucaaridka Soomaaliya

Muqdisho (Hargeisa Press) — Midowga Musharaxiinta Mucaaridka Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaalada ciidamadii tobabarka loogu qaaday Ereteeriya, xili ay maalmihii u dambeeyay waalidiinta dhalinyaradaas ay muujinayeen cabasho balaadhan.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wal-walka iyo walbahaarka la qabaan waalidiintaas wiilashooda kaga maqan yihiin Ereteriya.

Waxa uu ka digay in la siyaasadeeyo cabashada kasoo yeedhaysa waalidiintaas, oo walaac ka qaba halka ay ku dambeeyen carruurtoodii la geeyay Ereteriya, kuwaasi oo lasoo warinayo inay ka qeyb galeen dagaalkii dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka jawaabo cabashada waalidiitaas, isla markaana uu faah-faahin ka bixiyo halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas iyo xaaladooda caafimaad.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay maalmihii u dambeeyay isasoo tareysay cabasho kasoo yeedhay waalidiinta dhalinyaro loogu qaaday dalka Ereteriya si loogu soo tobabaro, oo ay la’yihiin nolol iyo geeri wax ay ku sugan yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dhinaceeda beenisay inay jiraan ciidamo tobabar loo qaaday oo ka qeyb galay dagaalka TPLF, xili ay ilo xogagaal ah ay soo warinayaan inay ciidamadaasi ka qeyb qaateen dagaalkaas, oo xukuumadda Abiy Axmed dhamaadka sanadkii hore ku qaaday maamulka TPLF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here