Michael Arezanti: “Somaliland waa Laambada Dimuqraadiyadda iyo Nabada Geeska Afrika”

0
2191

Stockholm (Hargeisa Press)- Michael Arezanti oo ah khabiir iyo qoraa ka tirsan machad fadhigiisu yahay dalka Sweden, ayaa warbixin uu ku daabacay warbaahinta caalamiga ah waxaa uu Somaliland ku tilmaamay laambada nabadda iyo dimuqraaddiyadda Geeska Afrika.

Warbixintan, ayuu khabiirku ku sheegay inay Somaliland tijaabo lagu daydo u noqon karto Geeska Afrika oo ay tusaale ugu tahay nabada iyo adkaysiga ay iskeed isku bixisay tan iyo 1991kii oo ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya. Waxaanu intaas ku daray inay Somaliland dunida u muujisay siday cagaha ugu taagtay dawladnimo shaqeynaysa oo ay u dhan yihiin astaamihii dawladnimo sida; callan, ciidamo anshax leh, lacag iyo nidaamkii garsoorka oo dhammaystiran iyadoo aan dunidda ka helin aqoonsi caalamiya.

Michael Arezanti wuxuu tafaasiil ka bixiyay sida Somaliland ay caalamka ugu soo bandhigtay heerka ay ka gaadhay dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinkeeda oo uu ku adkaystay in ay itaahisho “Laambada dimuqraaddoyadda iyo nabada Geeska Afrika.”

Waxaa kaloo khabiir Michael Arezanti uu caddeeyay in Somaliland dhinaca dhaqaalaha ay tallaabooyin muhiim ah qaaday oo ay iskashi la samaysay shirkadda DP WORLD  oo casriyayntii ay ku samaysay dekedda Berbera uu sababay inay kala horeynta marsooyinka adduunka  ay dekedda Berbera ka gashay kaalinta 106aad.

Sidoo kale, wuxuu qoraagu sheegay in iskaashiga Somaliland la yeelatay Itoobiya uu keenayo horumar dhaqaale iyo ganacsi oo dhexmara labada dal ee jaarka ah.

Warbixintu waxa ay intaas ku ladhay inay is weydiintu tahay sababta caalamku u aqoonsan waayeen Somaliland, si ay ugu sii naallooto inay is bixiso oo qarannimadeeda u wadato maadaama goobta ay ku taallaa tahay bogcad istaraataji ah oo ay kaalin kaga qaadan karto ganacsiga caalamiga ah.

Ugu dambayn, Michael Arezanti wuxuu sheegay in la joogo xilligii beesha caalamku ay garwaaqsan lahayd aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay taageeri lahayd qaddiyadda aqoonsiga JSL oo guul iyo dhiirigelin u ah horusocodka xasiloonida iyo dimuqraadiyadda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here