Maxay Tahay Dawooyinka Ay Ka Digtay Hay’adda Dhowrista Tayada Somaliland?

0
692

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland, ayaa waxaa ay diginin ka soo saartay noocyo dawooyin been abuur ah oo aan la isticmaali karin oo dalka soo galay.

Guddoomiyaha hay’adda dhowrista tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa sheegay in dawadaas oo ah kiniin xanuun baabi’iye la yidhaahdo Ebufac 400mg, magaceeda rasmiga ahna uu yahay Ibuprofen ay ka dabatageen shirkadda ku qoran taasoo noqotay shirkad jumlad ku bixisa dawada ee ayna ahayn tan samaysa.

Wuxuu intaa ku daray in baadhitaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in ayna lahayn dawadaas maaddooyinkii loo baahnaa ee waxtarka lahaa.

“Been abuurku mar walba waa jiray, aqoontana heerkii la taagnaa shalay maanta lama taagna” ayuu yidhi Guddoomiye Mukhtaar Maxamed Cali, isagoona sheegay inay imika u sahlan tahay in wax kasta ay xaqiiqdooda dhabta ah ogaadaan. Wuxuu kaloo sheegay in ay ka warqabaan, inta u diiwan gashan, 50 kaartoon oo dawadaas ah oo dalka soo galay.

Guddoomiyaha hay’adda dhowrista tayada Somaliland oo u waramay BBC-da, ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay xudduudo dhaadheer oo bad iyo berriba leh, ayna adag tahay in si sahlan loo ogaado halka ay ka soo galaan dawooyinkan, laakinse wuxuu farta ku fiiqay Soomaaliya.

“Waxaa laga yaabaa in koontarobaan lagu soo galiyo, dawooyinka ugu badan ee koontarobaanka ahna waxaa laga soo galiyaa xuduudka Soomaaliya, waxaana kartoon-kartoon loo soo raaciyaa gawaadhida yaryar ee Bari ka imanaysa”.

Ma jirto waxyeello la ogyahay oo ay dawadan been abuurka lagu sheegay u leedahay caafimaadka bani’aadmiga sida uu sheegay Guddoomiye Mukhtaar Maxamed Cali.

“Qofkii oo u xanuun hayo ama dhibaato haysato haddaanay dawadii waxba u tarayn oo dawadii been abuur tahay, waxyeello taas ayaa ugu filan ayuu yidhi”.

Guddoomiyaha hay’adda dhowrista tayada Somaliland wuxuu intaa ku daray in xuduudaha ay u joogaan shaqaale hay’adda ka tirsan, “haddiise dawadu ay soo gasho waxaan leenahay dad suuqa noo jooga oo ogsoon wixii soo galaya, kuwaaso magaalaad dhexdeeda ku baadha, hadday noqon lahayd farmashiyeyaasha ama jumladleyaasha, iyo bakhaarrada”.

Mar waxlaga weydiiyay in ay suurtogal noqon karto in dawada la qariyo dibna suuqa loogu soo celiyo ayuu Guddoomiye Mukhtaar ku jawaabay in ayna suurto gal noqon karin oo ay adag tahay. “Waxaan ku jirnaa wakhti dadka shacabka ahi heegan yahay, sidoo kalena dawladda hoose iyo booliskaba ay noola shaqaynayaan si ka badan sida aan u shaqayno, iyagoo mas’uuliyad badan isa saaraya, sidaa darted ma jirto sabab lagu qarin karo iyo meel lagu qarin karo” ayuu yidhi.

DIGNIINTA HAYA'ADDA DHOWRISTA TAYADA

Guddoomiyuhu ma sheegin in ay jiraan dad la soo xidhay, laakinse wuxu sheegay inay garanayaan dadkii iyo shirkaddii keentay dawadaas. “Xeer baan leenahay, xeerka dalka wuxuu dhigayo ayaana lagu qaadayaa.

Hay’adda dhowrista tayada, ayaa dadweynaha ka dalbatay in ay akhbaarta u soo mariyaan lambar gaar ah oo lagu sheegay 9229, kaasoo ay ku soo gudbin karaan wixii khalad ah ama sharci darro ah ee ay la kulmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here