Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo La-kulmay Saraakiil Ka Socda Qaramada Midoobay

0
1362

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay khaburro madax banaan oo Qaramada Midoobay kala shaqeeya arrimaha xuquuqul Insaanka Somaliland iyo Soomaaliya oo ay hoggaaminayeen Isha Dyfan iyo Sandra Oyella oo ay wehelinaysay Fadxiya Cabdilaahi Axmed.

Kulanka, ayaa waxaa Guddoomiyaha ku wehelinayay Agaasimaha Fullinta ee Guddida Xuquuqul Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan, Lataliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur iyo madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin.

Guddoomiyaha, ayaa soo dhaweeyay saraakiisha ka socotay Qaramada Midoobay, waxaanu uga mahadceliyay socdaalka ay ku soo booqdeen Maxkamadda Sare.

Ujeedada booqashada saraakiisha ka socday Qaramada Midoobay ayaa la xidhiidhay warbixin ay ka diyaarinayeen arrimaha xuquuqul insaanka iyo horumarada kale ee Garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa warbixin ka siiyay dib-u-habaynta lagu sameeyay Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland muddooyinkii u danbeeyay, geedi-socodka togan ee uu ku talaabsaday iyo doorka uu kaga jiro ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Waxaanu Guddoomiyaha tibaaxay shaqada baaxada leh ee Garsoorka dalka iyo doorka balaadhinta Maxkamadaha Guurguura oo bulshada ugu taga deegaanada ay ku suganyihiin.

Khabiir Isha Dyfan, ayaa geesteeda xustay in ay ku faraxsantahay waxqabadka wanaagsan ee Garsoorka, waxaanay sheegtay in warbixintanta ka horjeedin doonto Qaramada Midoobay, kulankuna wuxuu ku soo geba-geboobay jawi degen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here