Hargeysa (Hargeisa Press)- Maayirkii hore ee magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Cadami, ayaa sheegay inuu Shaqsi ahaan aaminsan yahay inay Shacabka Somaliland ay Madaxweyne Muuse Biixi ka barteen inay iskood wax u qabsan karaan.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo Maayirka Hargeysa soo noqday horaantii 2000, ayaa hadalkan ka sheegay xaflad uu kaga qayb-galay magaalada Hargeysa, taas oo lagu daah-furay qorshe uu maamulka degmada Koodbuur dib ugu dhisayo Dugsiga Axmed Dhagax ee xaafaddaas oo qaadhaanka lacagta ku baxaysa ay ka qayb-qaadanayaan ganacsatada iyo Shacabka ku dhaqan xaafaddaas.
“Madaxweyne kastaa waxbuu soo kordhiyey. Anigu feker ahaan waxaan aaminanahay inuu madaxweynuhu reer Somaliland baray sida wax loo qabsado,” sidaas ayuu yidhi.
Siyaasi Cadami oo tusaale u soo qaatay Doorashooyinkii isku sidkanaa ee Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoomay bishii May 2021-kii, taas oo kharashka ku baxay boqolkiiba 75 ay xukuumaddu bixisay, halka doorashooyinkii ka horeeyey ay beesha caalamku bixin jirtay inta badan kharashka ku bixi jiray.