Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa kulan la qaatay Madax ka tirsan Hay’adda Alight Xarunteeda magaalada Hargeysa.
Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo madax kale oo Wasaaradda ka tirsan, ayaa daarnaa dardar-gelinta xidhiidhka wadashaqayneed ee ka dhexeeya Hay’adda ALIGHT iyo Wasaaradda Waxbarashada oo ka wada shaqeeya Mashaariic fara badan oo dhinaca horumarinta waxbarashada ah iyo sidii ay uga wada socon lahaayeen labada dhinac Mashaariicda ay ka fulinaynayaan gobolada kala duwan ee dalka.
Intii kulankaasi socday, ayaa waxaa masuuliyiinta ka socday Hay’adda Alight oo ay ka mid ahaayeen Axmed Cabdi Wacays iyo Liibaan Abdiraxamaan ay wasiirka uga warbixiyeen sida ay u fuleen Mashaariicihii u dambeeyay ee dhinaca waxbarashada iyaga oo ka warbixiyay qaybinta Agab kamid ah baahiyaha aas-aasiga ah ee dhinaca waxbarasha oo ay u qaybiyeen (7008) oo agabka ardeyda ah iyo 100 agabka macalimiinta ah, iyagoo u qaybiyey 87 School oo ku kala yaal gobolada Sool, Saaxil, Badhan, Saraar, iyo Buuhoodle.
Qalabkaasi ay Hay’adda Alight oo kaashanaysa Global Partnership for Education (GPE) iyo Wasaarada Waxabarashada waxa ay sidoo kale ay qaybiyeen 600 (School Furnitures) kuraas iyo miisaan oo la gaadhsiiyay gobolada Saaxil, Sool, Badhan iyo Buuhoodle.
Sidoo kale, waxa kale oo ay Hay’adda ALIGHT ay ka bilowdey 42 School waxa loo yaqaano (School Feeding Programe) iyagoo gaadhsiinaya cuntada ardeydii ay abaaruhu saameeyen, si dib loogu celiyo waxbarashadoodii oo ay u sii wadan karaan, sidoo kale, Hay’addu waxay bixisey guno ay siiyeen 299 Macalin oo ka hawl gala Sool, Saraar, Buuhoodle, Badhan iyo Saaxil.
Waxa kale oo ay Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee wasaarada uga warameen qorshayaasha horumarinta waxbarashada ee Hay’adda Alight ay kala hawl gali doonto wasaaradda waxbarashada Somaliland.
Wasiirka wasaarada Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa dhankiisa ku dheeraaday Baaxada hawlaha shaqo ee dhinaca waxbarasho ee u yaala Wasaarada iyo Hay’addaha la shaqeeya, waxaanu wasiirku tilmaamay sida ay mihiimka u tahay in markasta wasaaradda iyo Hay’adduhu ay ka wada socdaan fulinta mashaariicda Adeega waxbarasho si loo buuxiyo marba halkii banaan ee u baahan wax ka qabasho.
Waxaanu ku boggaadiyay Hay’adda Alight hawsha baaxada leh ee ay qabteen iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarinta waxbarashada isagoo fariina u diray Hay’addaha kala duwan ee dhinaca waxabarashada ku hawlan in ay ku xidhnaadaan wasaaradda oo qaranka wakiil uga ah dhinaca waxbarashada.
Ugu dambayna Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Somaliland waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay diyaar ula yihiin in ay ku taageeraan Hay’addaha kala duwan fulinta mashaariicda ay wadaan iyo xalinta wixii caqabado ah ee la soo gudboonaada.