Maxay Ka Wadahadleen Madaxweyne Biixi iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu?

0
1614

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland.

Waxaana kulankan dhanka shir-guddoonka hoggaaminayay guddoomiyaha golahaasi, Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Kulankan oo ah kii u horreeyey ee ay rasmi u yeeshaan madaxweynaha Somaliland iyo shirguddoonka cusub ee golaha Wakiilladu, ayaa lagu lafo-guray hannaanka wada shaqayneed ee ka dhexeeya golaha sharci dejinta iyo xukuumadda.

Waxaana kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed iyo xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Dhinaca, shirguddoonkana waxa gudoomiyaha ku wehelinaayey gudoomiye ku xigeenka koowaad, Siciid Mire Faarax iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Cali Xaamud Jibriil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here