Washington (Hargeisa Press) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa Khamiistii qirtay inuu guuldarreystay mid ka mid ah khamaar siyaasadeedkiisii arrimaha dibedda ee ugu weynaa uguna bahdilka badnaa oo ah; salaan gacan-duubkii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lala xidhiidhiyo xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha.
Kulankii yaabka lahaa ee Biden uu bishii July la yeeshay Maxamed Bin Salmaan, ayaa ahaa isku day uu ku hagaajinayey xidhiidhka quwadda ugu saameynta badan shidaalka caalamka, xilli Mareykanka uu raadinayey caawimaad la xidhiidha sare u kaca shidaalka ee ka dhashay duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.
Salaan gacan-duubkaas dhacay saddex bilood kahor waxaa xigay dhirbaaxo weji oo toddobaadkan ka timid Amiir Maxamed, taasi oo ah: dalalka OPEC+ ee shidaalka soo saara iyo Ruushka oo dhimay wax soo-saarka.
Tallaabadan, ayaa sare u qaadeysa qiimaha shidaalka kana cadhaysiin doonta cod-bixiyayaasha Mareykanka kahor doorashada dhexe ee Mareykanka ee dhacaysa November, taasi oo wiiqeysa rajadii Biden iyo Dimoqraadiga.
Mar wax laga weydiiyey ficillada Sacuudiga, Biden, ayaa weriyayaasha u sheegay Khamiistii “Inay aheyd niyadjab, ayna muujineyso inay dhibaato ka jirto” xidhiidhka Mareykanka iyo Sacuudiga.
Xubno Dimoqraadi ah oo ka tirsan Congress-ka, ayaa Mareykanka ugu baaqay Khamiistii inuu joojiyo siyaasadda tobaneeyada sano jirta ee Mareykanka uu hubka kaga iibiyo Sacuudiga, kuna siiyo ilaalinta milateri.
Waxay ku eedeeyeen Amiir Maxamed inuu isagu joojiyay inuu dhanka Sacuudiga ka ilaaliyo iskaashigan istaraatiijiga ah ee jiray in ka badan 70 sano.
Xidhiidhkan, ayaa ku saleysan in Mareykanka uu boqortooyada ka ilaaliyo cadowga dibedda, islamarkaana Sacuudiga uu suuqyada caalamka siiyo shidaal ku filan si loo xasiliyo.
Ku-baaqista dhimista wax soo-saarka shidaalka waa “ficil cadaawad ah”, waxaa sidaas yidhi Tom Malinowski oo ah dimoqraadi ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka oo isaga iyo laba xildhibaan oo kale ay qoreen sharci ku baaqaya in ciidamada Mareykanka iyo habka difaaca gantaallada laga soo saaro Sacuudiga.
“Waxa Sacuudiga ay sameeyeen si ay uga caawiyaan Putin inuu sii wado dagaalkiisa laga yaqsiyoodo ee ka dhanka ah Ukraine waxaa weligeed xusuusan doona dadka Mareykanka,” waxaa sidaas yidhi hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka Chuck Schumer.
“Waxaan eegeynaa dhammaan hababka sharciga ah ee aan kula tacaaleyno ficilkan xun ee daneysiga ah,” ayuu yidhi.
Mareykanka imika wax qorshe ah kama laha inuu shaqaalihiisa milateri kala soo baxo Sacuudi Carabiya, waxaa sidaas yidhi afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Vedant Patel.
Congress-ka iyo xubnaha maamulka Biden, ayaa ka falcelinyey dhimis ka badan intii la filayey oo ah laba milyan oo barmiil maalintii oo wax soo-saarka saliidda caydhiin ay ku sameeyeen dalalka OPEC+ ee ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Ruushka.
Dhimistan, ayaa sare u qaadi doonta qiimaha shidaalka, waxayna xoojin doontaa dakhliga shidaalka ka soo gala Ruushka, oo u adeegsanaya dagaalka ka dhanka ah Ukraine, inkasta oo Reer Galbeedka ay xayiraado saareen.
Wasiirka shidaalka Sacuudiga Abdulaziz bin Salman, oo ah wiilka ka yar dhaxal-sugaha, ayaa kulankii OPEC+ ku adkeystay inaanay “cadaawad ku jirin,” tallaabada ay qaadeen.
AP