Waxaan qalinka u qaatay inaan ka hadlo maqaal dhawaanahan ku soo baxayey qaybaha kala duwan ee warbaahinta kaas oo la xidhiidhay dhaliilo loo jeedinayey ganacsadaha Maxamed Aw Siciid
Waxaan qalinka u qaatay inaan ka hadlo maqaal dhawaanahan ku soo baxayey qaybaha kala duwan ee warbaahinta kaas oo la xidhiidhay dhaliilo loo jeedinayey ganacsadaha Maxamed Aw Siciid, iyada oo aanay is cadayn dadka maqaaladda ka qoraya ee dhaliilaha u jeedinayaa kuwaas oo xitaa muwaadinimadiisii somaliland meesha ka saaray, sidaas darteed ugu horayn waxaan codsi u diri lahaa qaybaha warbaahinta inaanay soo daabicin maqaalada ay soo qorayaan dadka is qarinayaa kuna durayaan dad qiimo weyn ku leh shacabka somaliland sida Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo kale, waayo dadka qaarkii ayaan wanaaguba deeqin oo cid kasta oo wanaagsan waxka sheegta ilaa xaawa iyo aadan, waana kii abwaan soomaaliyeed hore u yidhi.
Dadbaa saaxirow yidhi
Taas macnaheedu waxa weeyaan in haddii uu qofku wanaagsan yahay in aanu nabad galayn, waayo waxaynu arkaynaa inay u quudhi waayeen Maxamed Aw Siciid somalilander-nimadiisa waxaanan anigu u arkaa inay yihiin dad ka xun fadliga ilaahay siiyey ganacsadahan, iyada oo aynu ku soo hal qabsan karno gabaygii Salaan Carabey ee ahaa
Xaashee nin libin kaa xisdiyey Xumihii waa yaab
Hadaba shakhsiyada Maxamed Aw Siciid aynu waxyar ka nidhaahno, Maxamed Aw Siciid waa muwaadin somalilander ah labaatan facna ku abtirsada magaalada Hargeysa,waana nin aan isla waynayn oo aan cidna waxba ka sheegin isla markaana ah nin afgaaban isla markaana ah nin deeqsiya.
Ta labaad ganacsade Maxamed Aw Siciid waa maal qabeen maal gashaday dalka somaliland, una quudhay inuu dalkiisa galiyo hanta boqolaal milyan ah taas oo ay mudnayd in abaal badan loogu hayo, balse ay muuqato in lagu dhaliilayo kaalinta muuqata ee uu kaga jiro bulshada somaliland taas oo aan ahayn mid wanaagsan, waxaanu inaga mudan yahay isaga iyo ganacsatada kalaba inaynu karaamayno, Waxaanu ganacsade Maxamed Aw Siciid inaga mudan yahay inaynu sharaftiisa ilaalino isla markaana ku xurmayno maalin gelinta iyo shaqaalaynta uu ka sameeyey dalka gudihiisa.
Ganacsade Maxamed Aw Siciid waxa uu kaalin muuqata kaga jiraa barnaamijiyada kor loogu qaadayo adeegyada bulshada iyo tabarucaadka meelaha danta guud ah sida cusbitaalada, garoomada kubada cagta, dugsiyada, jaamacadaha IWM.
Sidoo kale waxa uu hadyo jeer isku xil qaamaa daminta khilaafyada dalka soo foodsaara,taas oo ah mid muwaadin kasta looga baahan yahay inuu sameeyo.
Ugu danbaynta waxaan u soo jeedin lahaa dadka aan is cadayn ee wax ka sheegaya inay ka waantoobaan ceebaynta iyo canbaaraynta aanu gayin.
Waxaan qoraalkayga ku soo xidhayaa gabaygii Xaaji Aadan Af Qalooc ee ahaa
Dadka Kale Qofkoodii wax tara way tix geliyaane
Idinkuna caqliga taabudka ah waad ku tumataane
Tartar baad ka dhaaftaan qofkii toos idiin wada
Wabilaahi Tawfiiq
Aadan Jaamac Cabdilaahi
Email: Aadamdeeq@gmail.com