Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Ku Xukuntay Askarigii Toogtay Marxuum Cabdi Nano

0
825

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maxakamadda ciidamada qalabka sida ee Somaliland oo 29-July-2015- u fadhiisatay dacwad dil ah ayaa maanta oo taariikhdu tahay 03-August-2015, waxay soo saartay xukun dil ah oo lagu riday nin ka tirsanaa Ciidanka booliska balse lagu helay inuu dil badheedh ah u gaystay Marxuum Cabdi Nano.

 

Xukunka Maxakamada ka soo baxay ayaa lagu yidhi “Maxakamaddu markay aragtay Qodobka 195 ee xeerka ciqaabta ciidamada xilliga nabadda iyo xeerka ciqaabta guud, waxay xukuntay Rafcaanle Cabdillaahi Cabdi Cilmi oo 55 Sanno jir ah, magaca hooyadiina la yidhaahdo Faadumo Axmed, waxaanay ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku caddaatay inuu dil ula kac ah ku dilay  Marxuumka Magaciisa la odhan jiray Cabdi Cismaan Cali(Cabdi Nano), taariikhdu markaya ahayd 02-June-2015.”

 

Dilka Marxuum Cabdi Nano ayaa ka dambeeyay Muran dhul oo ka dhacay degaanka Masallaha Magaalada Hargeysa, kaasi oo ka dhexeeyay dhinacyada dilku ka dhex dhacay,iyadoo dhibaatooyinka dhulka ee Somaliland yihiin kuwo soo noqnoqday marar badana gaystay khasaare dhimasho.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here