MAXAA SOMALILAND FURSAD UGU JIRA SAFARKA MADAXWAYNAHA SOMALILAND UU KU TAGEY ADDIS-ABABA , ETHIOPIA OO UU KA SOCDO SHIR MADAXEEDKII MIDOWGA AFRIKA ?

0
625

“Inta aanan u gudbin ujeedada qoraalkayga waxa aan xasuusinayaa akhristayaasha taariikhda Somaliland iyo Somalia oo dul ka xaadis ah”

Somaliland waxa ay ahayd 28 sanadood qaran dawladnimadii uu kala bahoobay Italian Somalia , 1 July 1960 kii ee ay ku midoobeen Jamhuriyadii Somalia in ay u raadiso in aduunyadu aqoonsato la soo noqoshada madax banaanideeda qaranimo.

Haddaba waxa mudadaa dheer xukuumadihii kala dambeeyey dedaal ugu jireen in ay aduunku Somaliland u aqoonsado qaran ka mid ah qaramada aduunka , iyada oo asbaabaha ay Somaliland ku doodeyso ay yihiin qaar wada xoogan isla markaana ay buuxisay shuruudihii dawladnimo oo dhan.

Waxa hawshan Somaliland waday caqabad ku ahaa mudadaa dheer in cidii ay la bahowday aanay dawladnimo iyo kala dambayn midna haysan si loo wada hadlo , waxaana aduunku tacab badan galiyey in Somalia la nabadeeyo dawladana loo dhiso , inkasta oo aanay ilaa maanta ka dhisnayn dawlad la odhan karo waa mid cago ku taagan oo iyadu wax maamusha.

Somaliland iyadaa dhisatey dawladnimada ma jirto cid wax ku bixisay oo aduunka ahi , waxa ay maamushaa guud ahaan dhulkeeda , badeeda iyo hawadeeda , waxa ay leedahay dastuur , axsaab siyaasadeed , ciidamo , shaqaale , iyo nidaamka dimuqaradiga ah ee axsaabta badan , waxaana Somaliland 28 kaa sanadood soo maray 5 madaxwayne oo sadex ka mid ah codka shacabka ku soo baxeen.

Haddaba Somaliland Maxaa faaiido ah ee ugu jira safarka uu Madaxwayne Biixi dalka Ethiopia ku tagey ?

Waxa muuqata in Madaxwaynaha Somaliland casuumad dawladeed uu ku tagey marka aad eegto hab maamuuska loo qaabiley iyo qaabkii loo soo dhaweeyey.

Marka laga tago ujeedooyinka aan ilaa hadda la ogeyn ee madaxwayne Biixi ku tagey dalka Ethiopia , haddana waxa aan faaqidi karnaa fursadaha ugu jira safarkan qaranka Jamhuriyada Somaliland.

1- Dalka Ethiopia waxa ka socda shir madaxeedkii 33naad ee midowga Africa oo Madaxwayne yaasha qaarada Africa oo dhami ay halkaa ku sugan yihiin , Somaliland na ay fursad u heli karto in ay hadii aanay shirka qayb galin ay madaxda isugu timid kulan doceedyo qadiyadeeda ku gaarhsiin karto.

2- Dalka Ethiopia waxa ku sugan oo shirkaa u yimid madax badan oo aduunyada kale ka kala socoto , iyo madaxda ururada caalamiga ah ee aduunka oo iyaduna fursad u ah in Somaliland ay kulano la yeelato daneheega iyo arimaheegana kula socodsiiso .

3- Dalka Ethiopia waxa lagula kala wareegay hogaamintii sanadlaha ahayd ee midowga Africa oo laga wareejiyey Madaxwaynaha dalka Masar Cabdulcadiis Alsiisi , waxaana la wareegay madaxwaynaha koonfur Africa Mr Ramaphosa oo ah dal ka duwan masar , isla markaana dar dar iyo waji cusub oo Africa wax badan lagaga qabto horseedi kara , Somaliland na qadiyadeeda ka iibin karto.

4- Dalka Ethiopia shirkii uga socday midowga Africa waxa sanadkan hal ku dhig u ahaa in la Aamusiiyo qoriga , oo macnaheedu tahay dhamaynta iyo soo afjarida colaadaha , Geeska Africa oo ay Somaliland ka mid tahay wadamada ugu nabdoona ay ka qayb qaadan karto ololahaa soo afjarida colaadaha iyo Aamusiinta qoryaha.

5- Shirka Midowga Afrika ee dalka Ethiopia wadamada lagu soo qaaday in colaadaha ka jira la xaliyo waxa ka mid ah South Sudan iyo Libya oo marka loo dhabo galo dawladnimada koonfurta Sudan heshay in ay ka mudbayd in Somaliland la siiyo oo taariikh ahaan , qadiyad ahaan , sharci ahaan iyo buuxinta shuruudaha dawladnimoba kaga haboonayd , taasi oo sababi karta in la isla soo qaado ka midho dhalinta arimaha #Somaliland iyo #Somalia ee jiitamaya 28 ka sanadood , oo aduunku Somaliland cagta ku hayey si ay Somalia u soo kacdo .

6- Ka midho dhalinta isbadelkii siyaasadeed ee Geeska Africa oo laftiisuna aanu midho dhalayn ilaa qadiyada Somaliland iyo Somalia dhex taalla xal loo helo si Somaliland u noqoto dawladaha ka hawlgalaya mushkilada Somalia dhex taalla maadaama iyadu dhaqan ahaan , dad ahaan iyo dawlad ahaan noqonayso ta ugu dhow ee wax la qaban karta Somalia.

7- Arimaha ka dhexeeya Afrika waxa iska leh midowga Afrika oo loo daba fadhiisanayaa , Somaliland waxa ay dardar galin iyo kalsooni siin kartaa in midowga Afrika dhex galo Arimaha Somaliland iyo Somalia , waxaana ay u sharixi kartaa qadiyadeeda gudiyada joogtada ah ee midowga Africa ku leeyahay dalka Ethiopia.

8- Urur goboleedka IGAD waxa isagana xoghaye ka ah wasiirkii arimaha dibada ee dalka Ethiopia , oo dhawaan la wareegay , Somaliland waxa ay u tahay fursad maadaama uu yahay shaqsi Geeska Africa arimaha ka socda aad ugu xog-ogaal ah isla markaana qadiyada Somaliland gayn kara urur goboleedka IGAD.

9- Somaliland waxa ay dawladaha midowga Afrika iyo kuwa aduunkaba ee madaxdoodu ku sugan tahay caasimada dalka Ethiopia ee Adis-Ababa la sameysan kartaa xidhiidho ganacsi , iskaashi iyo maalgashi xataa hadii aanay helin xidhiidho diblomasiyadeed maadaama ay ku taallo meel aad u muhiim ah oo aduunka oo dhami u baahan yahay.

10- Iyo ta ugu dambaysa oo ah in Adis-Ababa ay kuwada sugan yihiin Madaxwaynaha Somaliland iyo Madaxwaynaha Somalia oo 3 sanadood ee ugu dambaysay dagaalo diblomaasiyadeed iyo qaar colaado Somalia dabada ka riixaysaa ka dhex jireen in aduunku iyo midowga Africa dhex-dhexaadiyaan oo inta Somaliland iyo Somalia dhinac u kala dhacayaan la yidhaahdo aduunku si isku mid ah ayuu idiin la macaamilayaa labadiinaba oo khilaafkii warbaahinta, diblomaasiyada iyo colaadaha hoose lahaa halkaa lagu soo afjaro.

Intani waa inaha la saadaalin karo , marka aynaan ogeyn waxa qarsoon ee ujeedada safarka madaxwaynaha Somaliland.

Mohamed Abdi Jama

Facebook : Muhamed Dhimbiil

hormood@hotmail.com

Mob: 4241005 , 4429221

Twitter : @dhimbiil

LEAVE A REPLY