Barokaceyaasha Burco Oo Loo Qaybiyay Haamo Ay Biyaha Ku Kaydsadaan

0
636

Burco (HP): Guddoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland C/kariin Xinif, ayaa maanta booqday meelaha ay degan yihiin dadka baraokaceyaasha ah ee magaaladda Burco.

Waxaanu soo kormeeray guddoomiyuhu xeryaha ay dadkaasi ku jireen, isagoona dadkaasi qoxoontiga ah u qaybiyay qalabka biyaha lagu kaydsado.

Dadkaasi barokaceyaasha oo la dejiyay meelo ay u dhistay dawladda hoose ee Burco, kuwaasoo weli qaba baahiyo kala duwan oo noloshoodda la xidhiidha.

Kormeerka uu guddoomiye Xinif, ku soo sameeyay qoysaskaasi barokaceyaasha ah waxaa ku wehelinayay maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad iyo xubno ka tirsan golaha degaanka Burco.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY