Maxaa Ka Jira In Qarax Ka Dhacay Magaalada Hargeysa?

0
2976
dil-ka-dhacay-hargeysa

Hargeysa (Hargeisa Press) – Taliska Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa waxaa ay si adag u beeniyeen warar xalay lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka, kuwaas oo sheegayay in qarax uu ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa.

Taliska Ciidamada Booliska, ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in jugta la maqlay ay ahayd taayar ku qarxay agagaarka xarunta shirkada Dahabshiil.

“Taliska guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadaynayaa inaanay Jirin Wax Qarax ah oo ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Waxaanu Bulshada u Cadaynaynaa in Agagaarka Dahabshiil Gargaar agteeda Banjarle ama Goomayste ku yaala oo banjarinaya Tayir ay wax isaga uun ku kooban oo sameeyay Qarax yar dhaceen,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Taliska Booliska Somaliland.

Sidoo kale, Taliska Ciidanka Booliska, ayaa intaasi ku daray in laba qof ay ku dhaawacmeen dhacdadaasi, islamarkaana ay haatan wadaan baadhis ku saabsan waxa sababay falkaasi.

“Waxaana dhawac fudud soo gaadhay Banjarlihii iyo qof la shaqaynayay oo xaaladooda caafimaad oo fudud lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee hargeysa. Hadaba Ciidamada boolisku waxa ay Baadhitaan ku hayaan wixii sababay dhacdadii goobtaasi ka dhacday”.

Ugu dambeyn, Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa digniin adag u diray dadka faafinaya wararkaasi liddiga ku ah amniga, ayna ka qaadi doonaan tallaabo adag.

“Taliska Guud ee ciidamada boolisku waxa uu digniin u dirayaa cidkasta oo ku hawlana Fidinta wararka baro bogaandada ah gaar ahaan kuwa beenta qoraya iyo kuwa ka qaadanayaba,” ayaa gabagabadii lagu yidhi war-saxaafadeedka Taliska ciidamada Booliska Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here