Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland Iska Casilay Oo Ilaa hada Maraya 10 Masuul

0
788

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wararka ilaa hada isa soo taraya ayaa sheegaya inay jiraan masuuliyin kale oo hada ku dhawaaqay inay  iska casileen xilkii ay hayeen.

Wasiirada  iyo wasiir u xigeenkada ilaa haatan ku dhawaaqay inay iska casileen xilkii ay hayeen ayaa waxa kale oo ku jira wasiirka wasaarada hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, kuwaas oo iyaguna warbaahinta ka xaqiijiyey inay iska casileen xilkii ay dawlada ka hayeen.

Liiska Wasirada ila hada xilkooda iska casilay waaSidan 
1.Wasiirkii madaxtooyada xirsi cali xaaji xasan
2.Wasiirki Cadaalada  Xuseen Axmed
3.Wasiirkii Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis
4.Wasiirkii shaqada iyo arimaha bulshada DR Abdi Aw Dahir

  1. wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed

6.Afhayeenki Madaxtooyada Dhuxul.

7.Wasiir Ku Xigeenki Wasaarada shaqada Iyo Arimaha Dibada Cabdi Waaxid Cabdiraxman

  1. Wasiir ku xigeenka dib u dejinta nimco xuseen qawdhan.

9 . Agaasimaha guud ee wasaarada warshadaha Mawliid Waris Cabdilaahi

 

Iscasilaadda xubnahan ayaa lala xidhiidhinayaa  loolanka Kulmiye. waxa la sheegay in madaxweyne Siilaanyo cadaadis kus aaray wasiiraddiisa inay taageeraan musharax Muuse Biixi Cabdi, maadaama ay wasiirada iyo masuuliyiinta xukumadda badhkood raacsan yihiin wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

 

 

Xisbiga Kulmiye, ayaa 10ka November ee sanadkan ku qabsanaya magaalada Hargeysa shir golaha dhexe, uu xisbigu ku kala dooranayo murashaxiinta u taagan jagada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee doorashada la filaayo March 2017.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here