FAALLO GAABAN: XAALKA SIYAASADDEED EE AXSAABTA SOMALILAND

0
1108
Aqoonyahan Mohamed Hagi Mohamoud

KULMIYE kaliya ma aha Xisbi Xaakimka talada dalku gacanta ugu jirto, sida ay dad badan oo siyaasadda wax ka odorosaa ku doodayaan, ee sidoo kale waa Xisbi ay u Rahman yihiin Murashaxiinta Axsaabta kale ee Qaranku. Waa Xisbiga ay ku maqan yihiin in la helo ciddii si rasmi ah ugu dhex tartami lahayd Axsaabta kale. Tusaale ahaan Xisbiga WADDANI oo uu Murashaxiisa Madaxweyne yahay Cabdiraxmaan Cirro sida ifafaalaha wacdiga siyaasiga ah ee Xisbiga laga dheehan karo, haddana wali ma cadda cidda Murashaxa Madaxweyne-Xigeen ee Xisbigu noqonayo. Sida aan qoraal hore ugu xusay in aanu Murashax Madaxweyne-Xigeen ahayn Axmed Muumin Seed ayaan haddana siyaasiyan mar labaad u odorasayaa in aaney xaalad siyaasaddeedkaa illaa iyo hadda waxba badani iska badalin.

 

Waa haddii Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Mudane Saylici ama cid la beel ahi ka sharaxnaato KULMIYE, oo siyaasiyan hubaal ka dhigaysa in faal siyaasaddeedka WADDANI dhan kale loo baandheeyo. Waana sababta keentay in Xisbiga WADDANI uu shirar is daba joog ah la yeesho Madaxweyne-hore Daahir Rayaale Kaahin. Taas oo shaki badan banaanka u soo saartey oo odhanaya in uu Xisbiga talo ahaan u soo jeediyey in ay heshiis siyaasaddeed hoose la galaan Cabdirashiid Xasan Mataan oo u muuqda nin dareemay rajo xummadda UCID. Waa sida uu dhaqan siyaasaddeedka Somaliland dhigayo e (tribal political culture), waxa siyaasadda Somaliland lagama maarmaan u ah in deegaan siyaasaddeedka Murashaxu noqdo mid isaga kaligii u dabran. Haddii taa la waayo, sida adduunyadda kaleba ka dhacda way adag tahay in Murashaxu fisho rajo guuleed cod naajaxa uu ku helo.  Sababta ugu weyn ee arrintan keentay waa Murashaxnimadda Xisbiga KULMIYE ee aan u cadeyn wali muddakarka iyo kaadiriinta Xisbiga WADDANI.

 

Si taa ka duwan Xisbiga UCID waxa uu si weyn u sugayaa cidda Murashaxa Madaxweyne ee KULMIYE ku soo baxaysa, iyada oo maanka lagu hayo deegaan siyaasaddeedka uu ka soo bixi karo Murashaxaasi oo saameyn weyn ku leh Jamaal Cali Xuseen. Waana halka uu Faysal Cali Waraabe uu dhufayska weyn kaga jiro, ee uu kaliya ka naawilayo in siyaasiyan wax badani Xisbiga iska badalaan. Si ay ugu sahla-naato in uu Murashaxiisa Madaxweyne ugu helo iin siyaasaddeed oo uu ku dalbado in la isla soo sharaxi karo, waa haddii nin ay isku deegaan yihiin KULMIYE ka soo baxo, oo inta badan dadku ay aad u saadaalinayaan. Xisbiga UCID sida kaliya ee rajadu ugu jirtaa waa Madaxweyne Silanyo oo mar kale isku taaga jaggada Murashaxnimo ee KULMIYE, nasiib daro se maanta xaalku sidaa uma muuqdo, waxa na ay u eeg tahay in ay isku rogtay xisaabtii hore ee UCID oo ahayd burburka KULMIYE ka faa’idkiisa oo ollolaha ugu weyn u ahayd UCID.

 

Waxa aan sida tan u leeyahay, Murashaxa Xisbiga KULMIYE hore ayuu buuq siyaasaddeed uga qarxay. Buuqaas oo u dhexeeyey Madaxweyne Siilaanyo oo cid kale u soo cumaamaddey si ay awood ilaashi sawirkiisa mar labaad ugu helaan iyo Guddoomye Muuse Biixi oo isna u xaydxaydnaa Murashaxnimo muddo badan uu dhufays adag ugu jiray. Yeelkeede, Guddoomiye Muuse waxa uu si taxadar leh ula socdey awoodda dawladdeedka dhaxal wareegtay ee ka dhalatey Xisbiga uu Guddoomiyaha ka yahay. Waana ta kaliftay in uu dagaalka joogteeyo oo aanu marnaba dhulka u dhicin, markii dambana garawsiisay ciddii ay siyaasadda isku hayeen in ay hubka dhulka dhigaan oo wadahadal xaajadda KULMIYE lagu soo dabaalo.

 

Sidii aan ku xusay labadeydii maqaal oo dad badani ay ka biyo diideen, haddase uu rumoobay odoroskii wakhtigaa aan sameeyey, garawshiyo badana laga muujiyey. Waxa hubaal ah in Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI yahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, laakiin aanu illaa iyo hadda caddeyn Murashaxa Madaxweyne-Xigeen ee Xisbiga WADDANI. Iyada oo sababtu tahay Xisbiga KULMIYE oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah u dooran Murashaxiintiisa. Taas oo keentay in labada Xisbi Mucaarid rajo kasbashada in ay guuleystaan yaraato. Sababtoo ah illaa iyo hadda ma jiro Xisbi Barnaamij Siyaasaddeed cad leh oo uu ku hawl galo. Inkasta oo Murashaxiinta KULMIYE ay dhayda uga cad yihiin cid wal oo in uun faalka saadaasha siyaasadda wax ka rogta, haddana Axsaabta kale taasi umma cadda waxa kaliya oo tamari ka noqotey rajada hadba KULMIYE waajaho ka dib doorashada Gollihiisa Dhexe. Waxa se aniga ii muuqda in Muuse banaanka taagnaa tan iyo markii Cabdicasiis Samaale Silanyo tanaasuliyey.

 

Haddii se maanta aaney u caddeyn dhamaan ragga ag cararaya ee is-bahaystey iyo inta hoosta ka wadda in 22 kii September oo ahayd markii lagu dhawaaqey ee la taariikheeyey qabsoomidda Shirkii Gollihii Dhexe ee KULMIYE in la qabanayo 10 November oo ay aad uga soo hor-jeedeen waxa muuqata faham daro siyaasaddeed oo weyn guul daraana soo wajahday. Waxa aad u habooneyd in ay fahmaan muujada siyaasaddeed ee Xisbigu sida ay u socoto iyo in ay Muuse u ahayd Salaasaddii Dahabka ahayd (Golden Tuesday) in qabsoomida shirka lagu dhawaaqo. Isla markaana maalinta uu shirku dhacayo oo iyaduna ku beegan maalin Salaasa ahina ay Muuse u tahay Salaasaddii mudnaanshiyaha (Super Tuesday). Waxa maanta se muuqata in qolyahan is dhiibi waayey ee siyaasaddu na ku foorarto ay aakhirka tartan iyo tartan la’aan ba ka huleeli doonaan Xisbiga KULMIYE dhawaan. Qaar ka mid ahi waxa ay ku biiri doonaan WADDANI qaar kale na dani ku badey ayey ku sii joogi doonaan Xisbiga guddihiisa iyaga oo illaalinta isku duubnida KULMIYE filimka ku matalaya.

 

Xaalka UCID se waa uu ka duwan yahay sida dad badani u tafsiiraan, is-haysiga Faysal iyo Jamaal ma aha mid hadda bilaabmay. Waxa aan ahaa qofkii ugu horeeyey ee saadaaliyey in ay isku dhici doonaan Murashaxa iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo uu xaalkoodu meel daran gaadhi doono, waana ta maanta joogta. Yeelkeede, UCID doorashaddan haddii ay u suuro-gasho iyo haddii kaleba waxa uu sidii caadada u ahayd tartanka ka gali doonaa kaalintiisii saddexaad ee uu inta badan ku soo caano maaley. Murashaxiinta KULMIYE na waxa ay noqon doonaan Muuse Biixi iyo Saylici. Sababta aan sidan u leeyahay waa in uu Silanyo taageersan yahay Muuse iyo Saylici ee tartanka Xisbiga kaliya la qurxinayo. Halka Xisbiga WADDANI Murashaxiisa Madaxweyne-Xigeen uu saadaasha KULMIYE ee Saylici wali u naawilayo in ay sidaa u dhacdo iyo in kale oo uu siyaasiyan isku xidhay. Haddii uu Saylici KULMIYE ka soo baxo, waxa uu WADDANI ku khasban yahay in Cabdirashiid Xasan Mataan ama cid la deegaan ah uu gorgortan siyaasaddeed oo balaadhan la galo. Fiirrada gaar ka ah ee maqaalka kan ku jiraa waxa ay tahay in UCID rajadeedu ku xidhan tahay yaa Murashax Madaxweyne ka noqonaya KULMIYE, halka ay WADDANI siyaasaddiisu ku wajahan tahay yaa Murashax Madaxweyne-Xigeen ka noqonaya KULMIYE.

 

Guntii iyo gunaanadkii, Jamaal waxa uu eeday Xisbiga KULMIYE oo deegaankii uu codka ka heli lahaa ka fara-maroojiyey ka dib markii ay u muuqatey in uu Silanyo tanaasuley. Waxa kale oo in la xuso mudan kaalinta dhaqaale iyo barnaamij ee uu la yimi Jamaal oo lama filaan dad badan ku noqotey ka dib markii tayo ahaan sidii laga filayey uu noqon kari waayey, inkastsa oo uu Faysal iyo kooxdiisu dabada haysay. Faysal iyo khilaafka Jamaal na waxa uu noqonayaa oo uu la mid yahay geeridaa xanuunka hore ee aan ka soo sheekeeyey sababay. Arrintani waxa ay ina tusaysaa sida uu Xisbiga KULMIYE miisaanka weyn ugu leeyahay Somaliland.

 

Sababtuna ay tahay in uu Xisbigu labada Xisbi ee kale kaga duwan yahay midowga afar deegaan oo waaweyn, inkasta oo dadku laba deegaan kaliya ka war-qabaan. Kuwaas oo aasaaskiisa lahaa, halka UCID iyo WADDANI ay hal deegaan ku suntan yihiin, wallow meelo badan dad kala deegaan ahi uga codeeyeen. Haddana la ma odhan karo deegaano sida KULMIYE oo kale ah ayaa fikir ahaan ama is-bahaysi ahaan ku middoobay Xisbiyadda UCID iyo WADDANI. Guusha 2017 haddii ay doorasho qabsoonto gadaal ayaan ka saadaalin doonaa Xisbiga ku guuleysanayaa ka uu noqon doono; ma KULMIYAA mise waa WADDANI, ma WADDANI mise waa KULMIYE, waayo tartankan hore ee Murashaxnimadda Axsaabta ayaa keeni doona is-badal siyaasi ah oo dur iyo daabac midka uu doono noqon kara.

 

Waxa se aan odorasayaa in Xisbiga UCID fursadiisu ay hoosayso, haddii aaney dhicin in is-badal weyn oo baxaad leh ku yimaado kaas oo meesha gabi ahaanba ka saaraya Xisbiyahanada muuqda sida Faysal, Cali Guray iyo Jamaal ama uu si mucjiso ah mar labaad Madaxweyne Silanyo hunguri in uu tartamo ah dib loo galiyo, kaas oo gabi-ahaanba meesha ka saaraya midawgii deegaanadii afarta ahaa labadooda ugu tunka weyn.  Siyaasaddani waa mid ay Xisbiga UCID muddo dheer naawilayeen, waana sababta keentay in khilaafka UCID oo ahaa kii ugu hor bilaabmay khilaafyadda siyaasiga ah in uu huursanaado. Waxa aan hore u saadaaliyey in KULMIYE oo Muuse Biixi ka sharaxmo Silanyo na aqbalaa ay tahay guusha kaliya ee KULMIYE. Isla markaana ay noqon doonto Guul darada Xisbiga UCID. Halka ay Silanyo oo mar labaad isa soo taagaa ay ka tahay rajadda UCID iyo baaba’a KULMIYE. Wa Bilaahi Tawfiiq.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here