Masuuliyiinta Xisbiga WADANI Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah U Sameeyey Taagerayaal Tiro Badan Oo Kaso Jeeda Gobolada Sool, Sanaag Iyo Buuhoodle + SAWIRRO

0
1011

Hargeysa, (HargeisaPress) —Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADANi ayaa maanta munaasibad soo dhawayn ah u sameeyey taageerayaal tiro badan oo kusoo biiray xisbiga WADANI kana soo jeeda gobolada Sool, Sanaag Iyo Buhoodle.

2-50-740x493

Waxaa Xafladan oo ka dhacdey Hotel Maroodi-Jeex ka soo qeyb galay gudoomiyaha xisbiga WADANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro , ku xigeenkiisa , Xildhibaano , Cuqaal , Saladiin , Dhalinyaro Haween  siyaasintan ka soo jeeda gobaladaasi ee maanta xaflada soo dhaweynta ah loo sameeyey Iyo waliba taageeraayasha xisbiga oo iyagu soo buux dhaafiyay hoolka xafladan ka qabsoontay.

3-44-740x493

Ugu horeyn waxa  madasha ka hadlay gudoomiyaha gobalka Maroodi-Jeex ee xisbiga Waddani Mr.Siciid Bustaale iyo gudoomiya xisbiga Waddani ee gobalka Buuhoodle waxaana ay sheegen in uu siyaasiyiintan cusub iyo tageerayaashodaba uu ku soo dhaweynayaan  xisbiga Waddani isla markaana uu xisbigani yahay xisbigoodii.

5-28-740x493

Sidoo kale waxaa iyaguna madasha ka hadley siyaasinta iyo cuqaasha ka soo jeeda  gobalada Sool,Sanaag Iyo Buuhoodle waxaana dhamaantood ay sheegen in ay ku faraxsan yahiin in ay ku soo biiran xisbiga Waddani isla markaana intii aanay ku soo  biirin xisbiga  ay wada hadlo muddo badan qaatey kula jireen hogaanka sare ee xisbiga ,waxaana ay baananka soo dhigeen in xisbigan ay maanta ku soo biiren ay u arken ka kaliya ee mideyn kara shacbiga Somaliland isla markana ka dhiidhiyi doona cadaalad daro ay sheegen in ay  xukuumada talada haysa ay ku sameysay gobalada ay ka soo jeedan

4-35-740x493

Gabo gabadii waxaa xaflada hadlo kooban oo soo dhaweyn u badan ka yidhi gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro  waxaana uu sheegay   in uu aad ugu faraxsan yahay  in uu  maanta xisbiga ku soo dhaweeyo tageerayaal ka soo jeeda gobalada Buuhoodl, Sanaag  iyo Sool waxaana uu gudoomiyuhu xusay in  aan xisbiga laga laheyn  balse laga soo horeeyey uun

14-740x493

Dhinca kale gudoomiye Ciro waxaa uu sheegay in xisbigiisu uu qorshe iyo siyaasad   u qoondeyey gobalada bariga ee ay tabashada xoogani ka jirto isla markaana markaana xisbigani Waddani noqon doono mid aanay cid ka xigin.

10-12-740x493

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here