Masuuliyiinta Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee JSL oo Kulan La Yeeshay Dhigooda Dalka Yugaandha

0
158

Kambaala (HargeisaPress)– Wefti uu hogaaminayo ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Somaliland oo safar shaqo ku jooga dalka Uganda, ayaa waxa ay kulan la qaadanayaan Xisaabiyaha guud ee dalkaasi.

Xisaabiyaha guud ee dalka Uganda Lawrence Semakula ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan xafiiska xisaabiyaha guud ee Somaliland oo safar shaqo iyo aqoon-korodhsi ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Saraakiishan oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka xisaabiyaha guud ee Somaliland Keyse Muxumed Cabdillaahi ayaa inta ay safarka shaqo ku jiraan waxa ay kulammo khibrad wadaag ah la yeelaan doonaan masuuliyiin ka tirsan xafiiska xisaabiyaha guud ee dalka Uganda.

Waftigan ayaa Kulammada inta ay joogaan qaadan doonaan waxa ka mid ah maaraynta iyo maamulidda maaliyadda dawladda iyo barnaamijyada casriga ah ee lagu horumariyo xisaabaadka iyo maaliyadda dawladda.

Waftiga somaliland waxa si diirran magaalada Kampla ugu soo dhaweeyay madaxa siyaasadda, qorshaynta iyo adeegyada maaliyadda ee dalka Uganda, isaga oo waftiga warbixin kooban ka siiyay hannaanka uu u shaqeeyo xafiiska maaraynta Maaliyadda qaranka (PFM) ee dalka Uganda iyo is-bedellada ay wadaan.

Saraakiisha Somaliland ee xafiiska xisaabiyaha guud ayaa muddo 10 cisho ah joogi doona dalka Uganda, iyada oo la filayo in aqoonta ay halkaa kala soo noqdaan ay kor u qaadi doonto sidii ay Somaliland u dabbaqi lahayd is-bedellada lagu samaynayo maamulka maaliyada qaranka ee la xidhiidha xisaabaadka iyo shaqooyinka kale ee xafiiska xisaabiyaha guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here