Laascaanood: Casriyaynta Wadadda Hawl-bawlaha Oo Daamurkii Lagu Bilaabay

0
527

Laascaanood (HP): Maayarka degmada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil iyo ku-xigeenkiisa Axmed Kawte, ayaa kormeeray Wadadda hawl-bawlaha ee dhex marta magaaladda Laascaanood ay ka socoto shaqo casriyayn ah.
Wadadda hal-bawlaha ah ee magaalda Laascaanood oo muddoyinkan ba dib u casriyayn iyo balaadhin ay dawladda hoose ee degmada Laascaanood ku waday ayaa maanta si rasmi ah loogu bilaabay dhigitaanka laami casri ah ee loo yaqaanno Laamiga Rooga ah.

Waxaana si wanaagsan u socotay shaqada balaadhinta xiliga ay masuuliyiintaasi kormeerka ku tegeen jidkaasi.
Iyadoona masuuliyiintani shirkadda dhismaha Laamiga wada ee Sahal ku bogaadiyeen sida habsamida ah ee ay shaqadu u socoto.
Maayar ku xigeenka degmad Laascaanood Axmed Kawte, oo kormeerkaasi ka warbixinayay ayaa bulshadda degmada ku booriyey inay ka qayb qaataan horumarka dowlada hoose wado.
Isagoona geesta kale xusay in ay dhawaan mashaariic kale oo waaweyn oo bulshadu magaaladu ku faraxdo ay bilaabi doonaan.
Laamigan casriga ahina uu qayb ka yahay barnaamijka dawlada hoose ee horumarinta degmada Laascaanood.

DAAWO: Hadalkii Masuuliyiinta Ee Kormeerkaasi:

Dhinaca kale dawlada hoose ee degmada Laascanood ayaa maanta olole Nadaafadeed ka samaysay Garroonka Kubbadda Cagta ee Cabdi Bile Cabdi, ee magaaladda Laascanood.
Iyadoo dhawaan la filayo in garoonkaasi ay ka bilawdaan Tartanka ciyaaraha kubbadda cagta ee Horyaalka gobolka Sool.


Waaxda arrimaha Bulshada dawladda hoose ee Laascaanood ayaa maalmahan ba ka waday garoonkaasi olole nadaafadeed, kaasoo haatan ay hawshiisu gebogebo marayso.
Waxaana muuqata in hawl galadda nadiifinta Garoonka ay wakhtigan tahay mid bilicda iyo nadafadiisu sarayso.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here