Hargeysa (Hargeisa Press)- Maareeyaha guud Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, ayaa wuxuu sheegay in magaalada Hargeysa ay markii ugu horeysay heli doonto biyo qasabadeed oo ku filan.
Maareeye Daarood, ayaa waxaa uu sheegay in si rasmi ah loo tijaabin doono kaydadka waa weyn ee Biyaha magaalada.
Wuxuu sheegay Maareeyuhu in uu gabogabo ku dhowyahay mashruucii biyo balaadhinta ee caasimada Hargeysa.
Bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayuu sheegay in ay taariikhda markii ugu horeysay heli doonaan biyo ku filan oo qasabadeed.
Maareeye Maxamed Cali Daarood, ayaa xusay in mashruucani uu ku dhamaaday siyaasadda Madaxwaynaha Somaliland iyo wada shaqaynta biyaha Hargeysa.