Markab Xoolo Ka Qaaday Berbera oo Hadana Dib Ugu Soo Celiyay isla Berbera

0
1097

Berbera (Hargeisa Press)- Markab laba habeen ka hor xoolo nool ka qaaday dekadda magaaladda Berbera ayaa isla xalay dib ugu soo celiyay xoolihii uu siday dekadda Berbera, kadib markii ay cilad ku timid.

Sababta keentay in markabkaasi uu xoolaha dib ugu soo celiyo Berbera ayaa la sheegay in ay la xidhiidho cilad ku timid markabkaasi markii uu qiyaastii 70 Mile ka socday dekadda magaaladda Berbera.

Markabkaasi oo siday 11400, oo neef oo Adhi ah, ayaa ciladiisu la xidhiidhay kadib markii uu Dabayl aad u xoogan kala kulmay Bad-weynta, taasoo ku qasabtay inuu markabkaasi socon kari waayo.

Waxaana jiray warar sheegayay in sababta markabkaasi xoolihii uu siday Berbera uu ugu soo celiyay ay tahay xanuuno lagu arkay xoolaha iyo waxyaabo kale.

Hase yeeshee waxaa arrintaasi beeniyay masuuliyiinta wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Somaliland iyo qaar ka mid ah ganacsatadda ka shaqaysta dhoofinta xoolaha nool.

Xubno ka mid ah wakiiladda Maraakiibta dekadda Berbera ka shaqeeya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Berbera, ayaa sheegay in aanay jirin haba yaraatee wax xanuuno ah oo sababay soo noqoshadda markabkaasi.

Basle sababta uu markabka xoolaha Berbera ka qaaday hadana dib ugu soo celiyay xoolihii ay la xidhiidho cilad fudud oo markabka soo gaadhay, iyadoo markii la ogaadayna la isla qaatay inuu xoolaha dib ugu soo celiyo Berbera.

Waxay sheegeen masuuliyiintaasi in xoolihii uu siday Markabkaasi la filayo in ay caawa ka baxaan dekadda Berbera, iyadoo uu qaadi doono Markab kale oo ay Mataanno yihiin markabka ciladoobay.

Masuuliyiintaasi waxaa ka mid ahaa isuduwaha wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee gobolka Saaxil C/kariin Cismaan Cawaale, iyo dhakhtarka dekadda Berbera iyo dhoofka xoolaha Dr. Dawlad Maxamed Faarax.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Masuuliyiintaasi:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here