Wefdi Ka Socda Dowladda Itoobiya oo Soo Gaadhay Somaliland

0
2948

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wefdi isgu jira wasiirro iyo saraakiil ciidan oo ka socda dalka Itoobiya, ayaa waxaa ay soo gaadheen caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wefdigan ka socda dalka Itoobiya ee Somaliland soo gaadhay, ayaa waxaa hoggaaminaysa Wasiirka Gaadiidka ee dalkaasi Dagmawit Moges.

Waxaana wefdigan garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr.Ciise Kayd Maxamuud iyo xubno ka tirsan xukuumadda.

Sidoo kale, waxaa galabta socdaal ku yimid Somaliland Wasiirul-dowlaha Arrimaha Dibada ee dowlada Itoobiya iyo saraakiil kale oo ka socda waddankaasi.

Ilaa hadda ma cadda sababta ay Somaliland u yimaadeen wefdigan heerka sare ah ee ka socda dowladda Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here